Cirro: “Waxaan diyaar u ahay inaanan arrin sharci-darro ah aqbalin Qiime kasta hadday tagayso.. “

 Burco (aftahannews):- Musharraxa Madaxweynaha Xisbiga Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro), ayaa sheegay in aanu marnaba aqbali doonin qorshe uu sheegay in Xukuumaddu wadato, si Madaxweyne Biixi muddo-kordhin loogu sameeyo.

Cabdiraxmaan-Cirro, waxa uu sheegay in Madaxweyne Muuse Biixi uu furista Ururrada ugu gogol xaadhayo in uu muddada Madaxweyne-nimada ku kordhisto.

“Muuse warkiisu wuu cadyahay, wuxuu doonayaa waa muddo-kordhin, Ururradan wuu ku gabbanayaa. Laakiin,  u jeeddadiisu sidaa maaha! Ujeedadiisu waxa weeyaan in uu doorashada muddadeedii dhaafiyo, dabadeedna muddo korodhsi uu u helo.” ayuu yidhi Musharrax Cirro.

Cirro,  ayaa sheegay in aanu marnaba aqbalaynin qorshaha uu sheegay in xukuumadu wadato si ay mudada u korodhsato, waxaanu yidhi; “Waxan anigu diyaar u ahay in aanan arrin sharci-darro ah aqbalin qiimo kasta hadday tagayso.”

Musharrax waxa uu sheegay in aanu kasoo horjeedin furista Ururrada, laakiin ay tahay in sharci sax ah loo maro “Waannu caddaynay Ururrada furistooda in aanaan kasoo horjeedin, ururraduna waxay ku furmayaan sharci”.

Waxa uu sheegay Cirro in Madaxweyne Biixi uu markii hore diyaar u ahaa in uu doorashada madaxtooyada qabto, balse uu fursad u arkay muranka soo kala dhexgalay xubnaha Golaha Wakiillada, oo isku khilaafsan dhaqangalnimada xeerka Ururrada Siyaasadda.