Raysal-wasaare Rooble oo Imaaraadka Ka Raalli-geliyey Lacag Soomaaliya ka Qabatay 2018-kii, Sheegayna in loo Celinayo

Raysal-wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirka Musiibooyinka oo Deeq ka Guddoomay Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya 2022
Raysal-wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirka Musiibooyinka oo Deeq ka Guddoomay Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya 2022

Muqdisho(aftahannews):- Raysal-wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xuseen Rooble, ayaa Jimcihii maanta raalligelin ka bixiyay dhacdo Soomaaliya dowladda Imaaraadka  Carabta kagala wareegtay lacag gaadheysay  sagaal Milyan oo Doollar bishii April ee 2018-kii, taasoo lagu qabtay garoonka Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, isla markaana dowladdu la wareegtay, iyadoo ku tilmaantay in Khalkhal siyaasadeed iyo mid amni la doonayey in lagu sameeyo lacagtaas.

Raysal-wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirka Musiibooyinka oo Deeq ka Guddoomay Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya 2022
Raysal-wasaaraha Soomaaliya iyo Wasiirka Musiibooyinka oo Deeq ka Guddoomay Safiirka Imaaraadka Carabta ee Soomaaliya 2022

Raysal-wasaare Rooble, ayaa u ballan-qaaday dowladda Imaaraadka Carabta in lacagtaas oo ku jirta gacanta dowladda dib loogu wareejin doono. Lacagtaas ayey dowladda Imaaraadku ku sheegtay mid loogu talagalay Mushaharka Ciidammo ay Soomaaliya u tabobbaraysay, waxaana markaa ka dib istaagay xidhiidka siyaasadeed ee Dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.

Rooble,  ayaa hadalkaan sheegay mar uu maanta ka hadallay Garoonka Diyaaradaha ee Muqdisho oo ay Xukuumaddiisu kula wareegtay Deeq gargaar ah oo dowladda Imaaraadka Carabtu keentay Soomaaliya, taasoo loogu talagalay gurmadka Abaaraha baahansan ee xilligaan ka jira inta badan gobollada dalka Soomaaliya, waxaana deeqdan guddoomay Wasiirka Gargaarka iyo Maareynta Musiibooyinka Xukuumadda Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye.

Deeqda Maanta Imaaraadka Carabtu soo gaadhsiisay Soomaaliya, ayaa aheyd Macaawino gaadheysa 26-tan, oo isugu jirta Cuntooyin kala duwan.

Dowladda Imaaraadka, ayaa hore u ballan-qaadday iney ka qeyb qaadaneyso u gurmashada dadka Soomaaliyeed ee Abaaruhu saameynta ba’an ku yeesheen. Waxaanu Imaaraadku noqonayaa dalkii u horreeyey ee ka soo jawaabay baaqii Raysal-wasaaraha ee u gurmashada dadka Soomaaliyeed ee Abaartu hayso.

Raysal-wasaaraha Soomaaliya, ayaa uga mahadceliyay dowladda Imaaraadka deeqdan gargaarka ah ee ay maanta soo gaadhsiisay, isagoo sheegay iney ka go’an tahay xoojinta xidhiidhka soo jireenka ahaa ee ka dhaxeeyay dowladaha Soomaaliya iyo Imaaraadka Carabta.