Cirro iyo Xirsi Maxay kala Hadleen Madaxda Dhaqanka Bariga Burco?

Cirro iyo Xirsi oo la Hadlaya Oday Dhaqameed Burco 2022
Cirro iyo Xirsi oo la Hadlaya Oday Dhaqameed Burco 2022

Burco (aftahannews):- Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Musharraxa Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro,  ayaa Jimcihii maanta kulan hadhimo-sharafeed ah la qaatay Madax-dhaqameedka, Haldoorka iyo Waxgaradka ka soo jeeda deegaannada Bariga Burco.

Cirro iyo Xirsi oo la Hadlaya Oday Dhaqameed Burco 2022
Cirro iyo Xirsi oo la Hadlaya Oday Dhaqameed Burco 2022

Munaasibaddan oo ka qabsoontay Hotel Plaza ee magaalada Burco, waxa ka soo qayb galay madax-dhaqameed miisaan leh, waxgarad, odayaal, dhallinyaro iyo Weftiga Xisbiga WADDANI oo isugu jira Hoggaanka sare, xoghayeyaal, xildhibaanno iyo saraakiil kale.

Madaxda dhaqanka iyo waxgaradka waxay si qoto-dheer isaga xog waraysteen madaxda Xisbiga WADDANI xaaladda siyaasadeed ee dalka.

Madaxda dhaqanka ee munaasibadda ka hadashay ayaa si buuxda taageero ugu muujiyay Musharraxa iyo Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI.

Sida oo kalena madaxda Xisbiga WADDANI ayaa si waafi ah uga mahadceliyay taageerada iyo soo dhawaynta haldoorka iyo madax dhaqameedka, islamarkaana u sheegay in ay ka shaqayn doonaan wada jirka iyo horumarka Somaliland haddii Xisbiga WADDANI talada ku guulaysto sanadka 2022.