Musharraxa Madaxweynaha Waddani iyo Waftigiisa oo si heer sare ah loogu soo dhaweeyey Burco

Burco (aftahannews):- Wefti culus oo ay hoggaaminayaan Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan iyo Musharraxa Madaxweyne ee Xisbigaas Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, ayaa si heer sare ah loogu soo dhaweeyay magaalada Burco ee Xarunta gobolka Togdheer.

Kumanaan ka mid ah taageerayaasha Xisbiga iyo madaxda heer gobol iyo heer degmo ayaa magaalada Burco si weyn ugu soo dhaweeyay Weftiga madaxda Xisbiga WADDANI. Mudane Cabdiraxmaan Cirro iyo Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa taageerayaasha uga mahadceliyay soo dhawaynta heerka sare, islamarkaana u jeediyay hadallo ku aaddan xaaladda dalka iyo tallaabooyinka gurracan ee xukumadda madaxweyne Muuse ku kacaysay muddooyinkii u dambeeyay.

Cirro iyo Xirsi, ayaa hadallo mahadnaq iyo wargelin isugu jira u jeediyey taageerayaasha Waddani ee soo dhaweeyey, iyagoo dhalliilay Madaxweyne Muuse Biixi iyo Xukuumaddiisa oo ay ku tilmaameen inay Sharciga dalka ku tumanayaan, muddo korodhsina uu doonayo Madaxweyne Biixi, si uu taas h helana doonayo inuu khilaaf siyaasi ah dalka ka abuuro.