“Ma jaro Sharci kala xadaynaya in Soomaalidu is-dhex socdaan ..” Wasiir Ku-xigeen Warfaafinta Somaliland

Hargeysa(Aftahannews):- Xukuumadda Somaliland, ayaa markii u horeysay ka hadashay Nidaamka ay 45 ka tirrsan Odayaasha Dhaqanka Soomaaliya ku yimaaddeen magaalada Hargeysa Arbacadii toddobaadkii hore, welina intoodii badnayn ku joogaan isla Caasimadda iyo weliba aragtida Xukuumad ahaan uga soo baxday kulammada muddada ay joogeen Odayaashu la yeelanayeen Ururrada Bulshada iyo Madax-dhaqameedka Somaliland.

Wasiir-Ku-xigeenka-warfaafinta-1-300x225

Odayaasha Dhaqanka ee Soomaaliya ka yimi ayaa muddada toddobaadka iyo dheeraadka noqonaysa ee ay joogeen Caasimadda Somaliland ee Hargeysa waxay kulammo kala duwan la yeesheen Madax-dhaqameedka, Ururrada Bulshada Rayidka ah iyo Xisbiyada Mucaaradka ah ee Somaliland.

Waxay Odayaashu ujeeddada socdaalkeeda ku micneeyeen mid la xidhiidha sidii ay wax uga baran lahaayeen doorka madax-dhaqameedka dhiggooda ah ee Somaliland ka qaateen hirgelinta nabadda iyo dimuqraadiyadda Somaliland, is-dhex-galka Bulshada iyo inay Somaliland ugu hambalyeeyaan waxa ay qabsatay, kuwaasoo marka laga reebo labaataneeyo duruufo soo kordhay awgood dib ugu laabtay Muqdisho sida ay Odayaashu sheegeen intooda kale waxay Somaliland kala qaybgeli doonaan Xuska 23-guurada ka soo wareegtay ku dhawaaqista gooni-isu-taaggeeda ay Soomaaliya kaga go’day ee 18-ka bishan May oo ku beegan Axadda toddobaadkan bilaambaya.

Odayaal-dhaqameedka Soomaaliya markii ay dalka ku sugnaayeen muddo laba maalmood ah, ayay Xukuumadda Somaliland ka hadashay ujeeddada socdaalkooda, waxaanay sheegtay inay Odayaashaasi iskood u yimaaddeen dalka si ay wax uga bartaan xaaladaha nabad-gelyo iyo horumarineed ee Somaliland ka jira, sida uu sheegay Wasiirka Warfaafinta Cabdillaahi Maxamed Daahir (Cukuse) oo ka gaabsaday inuu sheego doorkii ay ku lahaayeen safarka Oday-dhaqameedka Soomaaliya Xukuumad ahaan.

Haseyeeshee, Wasiir Ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Dhaqanka iyo Wacyigelinta Somaliland Cabdiwaaxid Cabdiqaadir Cabdiraxmaan, ayaa sheegay inay Xukuumadda uu ka tirsan yahay la soo xidhiidheen Odayaal-dhaqameedka Soomaaliya ka hor intii aanay dalka ka iman, isla markaana ay ka dalbadeen safar ay ku yimaaddaan Somaliland.

Wasiir ku-xigeenku waxa uu ku dooday inay Xukuumad ahaan u arkaan faa’ido wax weyn ka beddelaysa fekerkii hore ee shacabka Soomaaliya booqashada ay Oday-dhaqameedka Soomaaliya, waxaanu yidhi; “Annagu waxaannu qabnaa Xukuumad ahaan inay faa’ido innoo tahay dadka innoo yimaadda inay arkaan mawqifka dadka reer Somaliland oo waxaannu isleenahay waxyaabo badan ayay ka beddelaysaa, maantana way qanceen ayaan aaminsanahay sida ay Reer Somaliland ugu midaysan yihiin qaddiyaddan (madax-bannaanida Somaliland).”

Wasiir Ku-xigeen Cabdiwaaxid oo hadalkiisa sii wataa waxa uu intaas ku daray oo yidhi; “Dadka Soomaalida ah dawladnimadaa u kala duwan, mana jaro Sharci kala xadaynaya in dadka Soomaalida ahi is-dhex socdaan. Waxa jira dad reer Muqdisho ah oo Hargeysa jooga, ka ganacsada oo ku dhaqan. Ina Sharciga kaliya ee innaga dhexeeya waxa weeye, dadka Somalilanders-ka ah ee Xamar xil ka qabta in tallaabo laga qaado.”

Mar la weydiiyey Wasiir Ku-xigeenka in Odayaashu iskood u yimaaddeen iyo in Xukuumaddu marti-qaad u fidisay, waxa uu ku jawaabay; “Nin ku yidhi waan kuu imanayaa oo aan ogaado Xaaladdaada cid diidaysaa ma jirto, Xukuumadduna way oggolaatay.” ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Warfaafinta, Wacyi-gelinta iyo Dhaqanka Somaliland Cabdiwaaxid Cabdiqaadir oo xafiiskiisa ugu warramay wariye Cabdishakuur Xaaji Muxumed oo ka tirsan Radio Hirad.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.