Shaashadda Aad Wax Ka Dhadhamin Karto Oo Dunnidda Ku Soo Food Leh

Hargeysa, (Aftahannews)-Shaashadda TV-ga ee “la leefi karo” taas oo ay tahay in ku soo gaadhsiiso dhadhanka cuntada ayaa waxaa sameeyay borofesar u dhashay Japan, sida ay shabakadda Reuters ayaa werisay.

Barnaamijkan oo loo bixiyey Dhadhaminta-TV-ga, ayaa la isticmaalayaa toban qasacadood oo ay ku jiraan walxo dhadhan leh, kuwaas oo lagu dul shubayo shaashada, si ay dadka u dhadhamiyaan.

Professor Homei Miyashita oo ka tirsan Jaamacadda Meiji, ayaa soo jeediyay in loo isticmaali karo in lagu tababaro cunto-kariyeyaal meel fog kala jooga.

Marka suuqa la soo dhigo TV-ga, wuxuu qiimo ahaan midkii lagu kala iibsan doonaa lacag dhan $875 doolar, sida la qiyaasay.

“Ujeedka ayaa ah in dadka loo suurtageliyo in ay khibrad u yeeshaan sida ay tahay ka cunteynta maqaayad ku taal dhinaca kale ee adduunka, xitaa marka ay guriga joogaan,” ayaa uu u sheegay Reuters.

Waxa lagu soo warramayaa in uu wadahadalo la leeyahay warshadeeyayaal, kaas oo ku saabsan codsiyada kale ee suurtogalka ah ee lagu sii kordhin karo farsamada dhadhanka, sida ku daridda dhadhanka roodhidda oo kale.

Barafasoorku waxa uu isku deyayaa in uu ina gaadhsiiyo adduunyo la soo dejisan karo “adeegga dhadhanka”.

Waagan Covid-19, tignoolajiyada noocan ahi waxay wanaajin kartaa habka ay dadku ugu xidhan yihiin dunida ka baxsan, Prof Miyashita ayaa aaminsan.

Laakiin barta Twitter-ka dadku waxay la yaaban yihiin in badhtamaha masiibada adduunka halakaysay ma tahay waqtigii ku habboonaa ee la daahfuri lahaa barnaamijka lagu magacaabo Taste-the-TV. “Inta lagu jiro cudurkan faafa?” Mid ayaa soo qoray, “Waxay u badan tahay inuu horumar sameeyo wakhtiyada corona :)” mid kale ayaa ku kaftamay.

Waayadii hore, Prof Miyashita iyo ardaydiisu waxay soo saareen qalabyo kala duwan oo la xidhiidha dhadhanka, oo ay ku jiraan “fargeeto sii wanaajinaysa dhadhanka cuntada”.

Saxafiyiinta ayaa waxaa la tusiyay bandhig ay ku muujinayeen qalabkaasi oo lagu tijaabinayey ardayad. Waxaana ay ardayaddii u sheegtay in ay doonayso mishiinkii “shukulaatada macaan”, dhawr isku day ka dib ayaa dalabkeedii loo hirgeliyey si ay u dhadhamiso. “Waa nooc ka mid ah shukulaatada caanaha,” ayaa laga sheegay inay tidhi kaddib dhadhamadeedii.