Ban Ki-moon oo walaac ka muujiyey Xaaladda Siyaasadeed ee Somaliland iyo Soomaaliya

New York(Aftahannews):- Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobay Ban Ki-moon, ayaa werwer ka muujiyey halista iska-horimaad dhinaca Xuduudaha ah oo dhexmara Somaliland iyo Somaliya, gaar ahaan maamul-goboleedka Puntland ee Soomaaliya.

ban-ki-moon

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay waxa uu sheegay inuu dareen cabsi ka qabo iska hor imaad milatari oo ka dhasha degenaanshiyo la’aanta xaaladda siyaasadeed ee ka dhex aloosan Somaliland iyo maamul-goboleedka Soomaaliya ee Puntland, waxaanu labada dhinaca u jeediyey inay ka baaqsadaan tallaabo kasta oo xasilooni-darro abuuri karta.

“Waxa dareen weyn ka qabaa halista iska-horimaad ee u dhexeysa Somaliland iyo maamul-goboleedka Puntland. Waxaan u soo jeedinayaa labada dhinac inay iska ilaaliyaan sidaan xiisadu u sii balaadhan,” ayuu yidhi xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay mar uu la hadlayey warbaahinta, waxaana la filayaa inuu arrimahan si qoto-dheer ugu soo qaato warbixin ku saabsan xaaladda Geeska Afrika oo uu dhowaan ka jeedin doono Gole-weynaha Qaramada Midoobay.

Hadalka Xoghayaha Guud ee Qaramadda Midoobaya, ayaa ku soo beegmaya xilli horaantii bishan wasiirka Khaarajiga Somaliland Maxamed Biixi Yoonis uu sheegay inay wada-xaajood isaga iyo Wasiirka Arrimaha Guduhu Cali Maxamed Waran-cadde magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya kula yeesheen madaxweynaha maamul-goboleedka Puntland Cabdiweli Maxamed Cali Gaas, in kasta oo maamul-goboleedkaasi dafiray wax kulan ah oo dhexmaray Somaliland.

Xigasho Wargeyska Himilo.