Legdenka Siyaasadda Cusub ee Xisbiyada iyo Xukuumadda Somaliland

Hargaysa (Aftahannews)- Xisbiyada mucaaradka ah ee jamhuuriyadda Somaliland ayaa si cadho leh uga falceliyey hadal uu wasiirka warafaafinta, Saleebaan Yuusuf Cali Koore, sheegay oo ahaa in ay xukuumaddu aaminsan tahay in la gaadhay goortii la furi lahaa tartanka ururada siyaasadda.

Diiwaangalinta ururrada siyaasadda ee Somaliland ayaa tobankii sanaba mar la furaa, kuwaas oo lagu kala saaro codka daweynaha, waxaana soo baxa seddex xisbi qaran oo noqonaya kuwaugu codadka badan. Balse dhibka jira waxa uu yahay, codbixintii ay ku kala bixi lahaayeen waa lasoo dhaafay oo la qabay, iyada oo aanan la furin diiwaangalinta xisbiyada.

Sannadkii 2012 ayay ahayd markii u danbaysay ee la furay ururrada siyaasadda Somaliland, waxaana tartankaas ka soo gudbay oo xisbiyo qaran noqday saddexda xisbi ee Kulmiye, Waddani iyo UCID oo illlaa hadda jira.

Maalmihii u danbeeyey waxaa warbaahinta Somaliland laga arkay siyaasiyiin iyo aqoonyahanno kale oo ku baaqaya in la furo ururrada siyaasadda Somaliland.

Maxaa la isku hayaa?

Baarlamaanka Somaliland ayaa maalmihii lasoo dhaafay isku khilaafsanaa dhaqan galnimada xeerka ururrada siyaasadda oo uu madaxweyne Biixi dib golaha ugu celiyay si qodobbo kamid ah wax looga beddalo.

Inkasta, oo dad badani ay hadal hayeen suurtagalnimada ururada siyaasada, hadana xisbiyada mucaaradka ayaa se muujinaya saluug dhankooda ah madaama oo ay u arkayeen in madaxweynuhu toos u aadayo doorashada madaxtooyada ka hor tan ururada.

Wasiirka warfaafinta somaliland ayaa maalintii shalay ahayd sheegay in laga bilaabo maanta qofkii urur rabaa uu u furan karo urur siyaasadeed.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo ay hareero fadhiyaan gudmooyiha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe iyo musharraxa madaxweynaha ee Cabdiraxmaan Cirro

” Madaxweynaha Somaliland oo aan afkiisa ku hadlayo waxaa uu aaminsan yahay in u dhaqan gal yahay xeerka furista ururada siyaasada Somaliland , qoraalka madaxweynuhu golaha ku celiyayna wuxuu ahaa sidii doorashooyinka loo galayay , ninkii urur raban waa u furan yahay maanta ” ayuu shir jaraa’id ku sheegay Saleebaan Koore, oo ah Wasiirka Warfaafinta Somaliland.

Waxaa arrinka isla markiiba ka biyo diidey guddoomiyeyaasha xisbiyada mucaaradka.

Xalay saqdii dhexe shir jaraa’id oo ay si wada jir a u qabteen Xirsi Cali Xaaji Xasan, guddoomiyaha xisbiga Waddani iyo Faysal Cali Waraabe, guddoomiyaha xisbiga Ucid waxa ay ku sheegeen in aanay xilligan aqbalay in arrintaasi madaxweynuhu faragelin ku samaynayo haayaddii sharci dejinta. Waxaana ay intaasi in aan weli la gaadhin xilligii la furi lahaa ururrada.

” Sharci Golaha Wakiillada horyaalla oo laga doodayo in laga hadlo waxaanu u aragnaa sharci darro iyo farogelin. Waxaan arkayay wasiirka oo lahaa ‘Madaxweynuhu wuxuu aamminsan yahay’ waxaannu leenahay aragtidaadu cidna ma khusayso ee dalku sharci buu leeyahay haddii la ixtiraami waayo, sharciga cawaaqibka ka dhalan kara waa la garanayaa” ayuu yidhi Xisi Cali Xaaji Xasan, guddomiyaha Xisbiga Waddani.

“Warkii uu si daayey wasiirka warfaafinta warkaasi waxa uu ahaa war horseedaya khalkhal siyaasadeed iyo iska hor imaad, hadalka wasiirkuna hadal masuul oo dalka u tudhaya ma uu ahayn. Waxa weeye sharcigan markii hore anaa la ii sameey maantana asxaabta ayaa loo sameeyey.” ayuu isna yidhi Faysal Cali Waraabe

Sharcigu muxuu qabaa?

Xeerkan oo lagu magacaabo Xeerka Ururrada Siyaasadda iyo Ansixinta Xisbiyada Somaliland, ayaa waxaa wax kabeddel ku sameeyey golihii hore, taas oo madaxweynaha Somaliland uu golaha ku soo celiyey.

Dhinaca xukuumaddu iyo xisbiga talada hayaa waxa ay ku doodayaan in madaxweynaha wakhtigii xeerka uu ku ansixin lahaa ka dhacay oo sidaa eerku dhaqangal ku yahay.

Xisbiyada mucaaradkuna waxa ay taagan in tii madaxtooyadu soo horrayso, oo ay tahay in taa la qato ka hor furista ururrada.

“Dastuurka waxaa ku qoran in muddada 21-ka cisho ay ku dhaafto madaxweynuhu ku saxiixi waayo ama ku soo celin waa in uu faafinta rasmiga ah uu ku soo saaro guddoomiyaha golaha wakiilladu, xildhibaannadu golaha ee doonaya in la dhaqan geliyoadku waxay qabaan in goluhu ku soo saaro faafinta rasmiga oo sidaa sharci ku noqdo, doodda cusub ee xukuumaddu soo wareejisaynu waa in uu sidiisa ku dhaqan gelayo. Waana doodo inta ay sharci yihiin ka farabadan inta ay yihiin muran siyaasiya” ayuu yidhi Guuleed Dafac oo sharciyaqaan Hargeysa ku sugan.

Arrintan ayaa u muuqata bilawga khilaaf hor leh, iyada maanta baarlamaanka Somaliland isku afdhaaafeen ka doodiddii arrintaa, xaalka goluhuna uuba gaadhay in gacan ka hadal goobta ka dhaco.

“Golahu sharci iyo kala dambeyn ayuu leeyahay, waxaana lagu kala baxaa waa codka golaha, ururadii hala furo iyo yaan la furin layskuma hayo ee sharciyadii loo marayay ayaa laysku hayaa. Xildhibaanada dibadda ku hadlay waxaan u sheegayaa inaanay saameyn sharci yeelanayn ee golaha wixii kasoo baxay ayaa saameyn yeelanayaa “. ayuu sheegay guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland Cabdirasaaq Khaliif.

Dhanka sharciga ah se sharciyaqananada ayaa qaba in laba waddo mid uun bannaan tahay si aan dalku u gelin khilaaf siyaasadeed.

“Laba arrimood ba way dhici kartaa, in goluhu wakiilladu in uu go’aan soo saaro oo cod aqlabiyad ah ku kala baxaa waa wax dhici kara oo raad sharci yeelan kara, ama haddii cidi maxkamadda dastuuriga ah tagto oo goaan kama danbays ay soo saarto waa raad sharci oo isnaa dhici kara oo saamayn sharci leh. Markaa, laakiin wax ka dhexeeyaa ma jiraan oo muran kuma dhammaanayo ee waa in labadaa mid uun xal kama danbays ah ay uga gaadhaan.” ayuu yidhi Guuleed Dafac.

Xigasho BBC-Somali.