“Dhibaatada Gollaha Laguma Xalliyo Dibadda Iyo In Saxaafad Lala Hadlo” Gudoomiye Cabdirisaaq Khaliif

Hargaysa (Aftahannews)- Guddoomiyaha golaha wakiilada Somaliland Cabdirisaaq Khaliif Axmed, ayaa sheegay in xildhibaannada muxaafadka taabacsani, ay wado sharciga baal marsan wax ku doonayaan, xaga kuwa mucaaradkuna ay leeyihiin sharciga hala raaco.

“Sida saxaafada laga sheegayo ma jirto cid isku haysa ururo yaan la furin iyo8 hala furo, waxa laysku  hayaa habraacyadii sharci aan u marno waxkasta oo golaha yaala iyo umari mayno ayaa laysku hayaa, qof walbana wuxuu sanka kaga tolnaan doonaa in uu sharciga raaco” ayuu yidhi Khaliif.