Waa Maxay DanahaTelesom ka leedahay Dib-u-habaynta ay ku Samaysay Xarunta Golaha Wakiillada Somaliland?

Hoolka Golaha Wakiillada Somaliland
Hoolka Golaha Wakiillada Somaliland

Hargeysa(aftahannews)- Hoolka iyo dhismaha xarunta Golaha Wakiillada Somaliland, ayaa lagu sameeyay dib-u-habayn iyo qalabayn, kaas oo ay fulisay Shirkadda Isgaadhsiinta ee Telesom, isla markaana hadda la dhammaystiray shaqadii dib-u-habaynta.

Hoolka Golaha Wakiillada Somaliland
Hoolka Golaha Wakiillada Somaliland
LOOGADA SHIRKADDA TELESOM

Sidoo kale, Shirkadda Telesom, ayaa qalabaysay Hoolka fadhiyada ee Xildhibaannada Golaha Wakiillada, kaas oo lagu xidhay xataa Camaradaha CCTV iyo Kuraas qaali ah, waxaana ku baxay dhaqaale badan.
Haddaba, innaga oo og in golaha wakiilladu leeyahay miisaaniyad faro badan oo ku filan hawlaha uu goluhu u baahan yahay, ayaan illaa hadda la ogeyn sababta ay Shirkadda Telesom ugu samaysay dib-u-habayntaas iyo danaha qorsoon ee ay ka leedahay toona.

Hase yeeshee, waxa la ogyahay in shirkadaha ganacsiga, gaar ahaan kuwq isgaadhsiinta iyo Baananka Ganacsiga gaarka loo leeyahay ee Somaliland hirdan xooggan iyo tartan meel sare gaadhay kacdhexeeyo.

Sidoo kale, ma jiro war kasoo baxaya dhinaca Shirguddoonka golaha Wakiillada oo sheegaya in iyagu Telesom ka dalbadeen in ay xarunta golaha ku samayso dib u habayn iyo qalabayn.

Dhanka kale, xogaha laga helayo dib-u-habaynta ay Telesom ku samaysay xarunta golaha Wakiillada, ayaa sheegaya in ay ka leedahay ujeeddooyin badan la xidhiidha sidii ay Xildhibaannada golaha Wakiillada iyo Shirguddoonkoodu u ilaalin lahaayeen danaheeda ganacsi, isla markaana ay uga dan leedahay sidii ay gacanta ugu dhigi lahayd golaha cusub ee Wakiillada Somaliland, iyadoo uga danle qalabaynta ay ku samaysay golaha Iyo qalabka ay ku xidhay oo xogaha qaar tibaaxeen in Hoolka Shirarka ku xidhatay qalab ay si sahlan u ogaanayso waxyaabaha golaha ka socda iyo macluumaadka fadhiyadoodaba.

Maaha markii ugu horraysay ee Shirkadda Telesom dib-u-habayn Ku samayso xarun dawladeed. Waxayse 2010 dib u dhis iyo casriyeyn ku samaysay qasriga madaxtooyada Somaliland markii uu xilka la wareegay Madaxweynihii hore ee Somaliland Axmed-Siilaanyo. Taas oo xilligaas dhalisay dareenno kala duwan oo bulshada ku abuuray shaki ah in Madaxtooyadii dalka looga arriminayay ay Shirkad gaar loo leeyahay Gacanta ku qabato, isla markaana aan la ogaan karin waxyaabo qarsoon in ay ku dhex xidhato, kuwaas ay dadka qaar u arkayeen inay halis ku noqon karto amniga iyo Xogta Qaranka oo u gacan geli karta cid aan ahayn masuuliyiintii loo igmaday Qaranka.

Bulshada reer Somaliland ee ku kulanta baraha bulshada, ayaa sidoo kale dareenno kala duwan ka bixiyay dib u habaynta ay Shirkadda Telesom ku samaysay xarunta golaha wakiillada iyo midabka ay marisay hoolka golaha oo dadka qaar ku tilmaameen in ay u eegaysiisay midabkii calanka xisbiga Waddani ee uu kasoo jeedo Guddoomiyaha golaha Wakiillada Cabdirasaaq Khaliif. Waxaana arrintaas iyo ujeeddooyinka ku lammaan caddayntooda looga fadhiyaa Shirguddoonka Golaha Wakiillada Somaliland ee la doortay 31kii May 2021.