Hawl-gal Ciidanka Somaliland Xalay Ka Fuliyeen Masaajidka Daara-salaam

Hargeysa (Aftahannews)- Ciidanka Booliska iyo RRU-da, ayaa xalay hawl-gal ka fuliyey Masaajidka Daara-salaam ee xaafadda Shacabka ee Magaalada Hargeysa. Hawl-galkaa ay khasaare soo gaadhsiiyey Masaajidka, iyaddoo daqadihii masaajidka burburka soo gaadheen.

Bartilmaameed hawl-galka ayaa ku waajahanna inuu masaajidka ku jiro qof nafti-hura ah, taas  oo cabsi iyo argagax ku ridday dadkii shacabka ahaa ee la jaarka ahaa masaajidka Daara-salaam ee xaafadda Shacabka.

Hawl-galka ayaa lagu qabtay dhalinyaraddii Masaajiddka Masuulka ka ahayd.

Balse dood dheer ka dib, waxay xorriyoodii dib u heleen Maanta. Kadib markii bartilmaameedkaasi noqday indho-sarcaad lagu guuldarraystay oo ahaa in aannu masaajidka ku jirin qof naftii-hurre ah, balse hurdeen dhalinyaradda xorriyadoodda dib u heshay..

Dhinaca kale, Laamaha amaanka ayaan ka hadlin hawl-galka waxyeeladda soo gaadhsiiyey masaajidka Daara-salaam. Xigasho Wargeyska Waaberi