Maayar Mooge oo sheegay inuu Heshiisyo la soo galay Shirkado ka caawinaya Maaraynta Qashinka iyo Dhismaha Jidadka Hargeysa

Hargeysa (aftahannews):- Duqa Caasimadda Somaliland ee Hargeysa Cabdikariim Axmed Mooge, ayaa Golaha Deegaanka Caasimadda uga war-bixiyey midho-dhalka safar todobaaddo qaatay oo uu ku tagay waddamo ka tirsan qaaradda Yurub.

Maayar Cabdikariim Axmed Mooge waxa uu sheegay inuu Heshiisyo la Soo galay Shirkado caalami ah oo Dawladda Hoose ee Hargeysa ka caawin doona Maaraynta qashinka, Dhismaha Waddooyinka iyo Faya-dhawrka caasimadda.

Maayarka Caasimadda ayaa hadalkan ka sheegay shirka toddobaadlaha ah ee Golaha Deegaanka Hargeysa oo ay wehelinayaan guddoomiyeyaasha Degmooyinka caasimadda, kaas oo Sabti kasta ku qabsooma Hall-ka shirarka ee Dowladda Hoose.

War-saxaafadeed lagu faahfaahiyey qodobbo ka soo baxay shirka maanta ee Golaha deegaanka Hargeysa, ayaa in Maayarka Caasimadda oo ka warbixinayey Safarka shaqo ee uu ugu maqnaa Dalka Dibadiisa uu sheega inuu Heshiisyo Caalami ah La soo galay Shirkado Dawladda Hoose ka Caawin Doona Maaraynta qashinka, Dhismaha Wadooyinka, Fayadhawrka Caafimaadka.

Qodobbada ka soo baxay shirka Golaha Deegaanka Hargeysa, ayaa lagu sheegay in lagu go’aamiyey in Istaanada Basaska ee ku dhex jira gudaha Caasimadda loo Sameeyo Goob ku Haboon oo ay Dadka Ka qaadan iyo in Caasimadda Hargaysa laga Bilaabo Dhiraynta Goobaha Muhiimka ah.

Sida war-saxaafadeedka lagu sheegay, waxa kale oo shirka lagu go’aamiyey Dardargalinta Cashuuraha Si Kor loogu Qaado Waxqabadka Caasimadda, Dhiirigalinta iyo Abaal marinta Shaqaalaha Dawladda Hoose gaar ahaan kuwii ugu shaqada badnaa iyo ugu dambayntii in Dayactir iyo Dib u dhis lagu sameeyo Xarumaha ay ku shaqeeyaan Maamulka Degmooyinka Caasimadda Hargaysa.

Shirka maanta ee Golaha Deegaanka Hargeysa, waxa goob-joog Guddoomiye ku-xigeenka ahna maayar-ku-xigeenka caasimadda Md Khadar Axmed Cumar oo ay weheliyaan Xildhibaannada Golaha Deegaanka Hargeysa, Guddoomiyeyaasha Degmooyinka magaalada, Agaasimayaasha Waaxaha kala Duwan ee Dowladda Hoose iyo Maamulka Shirkadaha gaarka loo leeyahay ee ka shaqeeya Nadaafadda Caasimadda.