Millatariga Ethiopia oo Dilay Askar ka Tirsan Ciidanka Sudan

Ethiopian Milatary
Ethiopian Milatary

Al-Fashaga (aftahannews):-  Lix Askari oo ka tirsana Millatariga Suudan, ayaa Sabtidii lagu dilay weerar ay Ciidammada Itoobiya ku qaadeen fadhiisin ay ciidammada Suudaan ku leeyihiin meel u dhow xudduudda u dhaxaysa dalalkaas, sida ay wakaaladda wararka ee Reuters u sheegeen ilo-wareedyo militariga Suudaan ah.

Ethiopian Milatary
Ethiopian Milatary

Ciidamada Suudaan, ayaa war ay soo dhigeen bartooda Facebook ku sheegay in kooxo ka tirsan ciidamada Itoobiya iyo maleeshiyaad kale ay weerar ku qaadeen ciidamadooda ku sugan magaalada Al-Fashaga Al-sughra, waxaana ka dhashay khasaare dhimasho.

Bayaanka militariga Sudan tafaasiil dheeraad ah kama bixin shilkan.

Dhinaca kale Ra’iisul Wasaaraha Sudan Abdalla Hamdok ayaa Sabtidii sheegay inuu xilka ka qaaday Taliyihii Booliska, Sarreeye Guud Khaled Mahdi Ibrahim Al-Emam iyo ku xigeenkiisa.

Hamdok ayaa qoraal uu soo dhigay bartiisa Twitterka ku sheegay in Sarreeye Guud Anan Hamed Mohammed Omar loo magacaabay taliyaha cusub ee booliiska, halka ku xigeenkiisana loo magacaabay Major General Muddathir Abd al-Rahman Nasr al-Din.

Source Reuters and VOA.