Ilhaan Cumar oo ku Baaqday in Tallaabo laga qaado Xildhibaan Muslimiinta Aflagaaddaysay

Ilhan Omar and Lauren Boebert
Ilhan Omar and Lauren Boebert

Washington (aftahannews):- Marwo Ilhaan Omar oo ah Xildhibaan laga soo doorto gobolka Minnesota ee dalka Mareykanka,  isla markaana Soomaaliyad ah, ayaa Jimcihii ugu baaqday hoggaamiyeyaasha aqalka wakiillada ee Kongress-ka in ay tallaabo ku habboon ka qaadaan xildhibaanadda Jamhuuriga ah ee laga soo doorto gobolka Colorado Lauren Boebert, ka dib markii ay erayo ka dhan Muslimiinta u adeegsatay mar ay sharraxaysay is arag ay sheegtay in dhawaan uu aqalka Capitol ku dhex maray iyada iyo Ilhaan.

Ilhan Omar and Lauren Boebert
Ilhan Omar and Lauren Boebert

Afhayeenka Aqalka Wakiillada Nancy Pelosi iyo hoggaamiyeyaasha kale ee Dimuqraadiga ee Aqalkaasi, ayaa ka dalbaday Boebert in ay dib ula laabato hadalka ay sheegtay.

Sida uu muujiyay muuqaal lagu baahiyay barta Twitter-ka ee lagu magacaabo PatriotTakes, Boebert ayaa hadalkan jeedisay intii lagu maqnaa fasaxan. Waxa ay sheegtay in iyada iyo mid ka mid ah shaqaaleheeda ay Aqalka Capitol ka qaadanayeen wiish, markii ay aragtay sarkaal booliis ah oo argagaxsan oo dhankooda u soo ordaya. Waxa ay sheegtay in markii ay eegtay dhankeeda bidix ay aragtay Omar oo ag taagan.

“Hagaag, ma haysato boorso, xaalku waa caadi,” ayay Boebert tiri, waxayna intaa raacisay, “waxa aan iri, ‘bal eeg, kooxda jihaadku waxa ay maanta go’aansadeen in ay shaqada soo xaadiraan.’”

Ilhan Omar ayaa si cad ugu boorrisay Pelosi iyo Hogaamiyaha Jamhuuriyiinta Kevin McCarthy in ay edbiyaan Boebert.

“In la dhaho waxa aan ahay qof is-qarxinaya ma ahan wax lagu qoslo” ayay Ilhan ku qortay Twitter-ka, iyadoo intaa raacisay “@GOPLeader iyo @SpeakerPelosi waxa ay u baahan yihiin in ay qaadaan tallaabada ku habboon, caadiyeynta nacaybkan halis ma gelinayo noloshayda oo qura balse waxa uu khatar gelinayaa nolosha Muslimiinta oo idil. Muslim-nacaybku meelna kuma laha Aqalka Congress-ka.”

Pelosi iyo Dimuqraadiyiinta kale ee ugu sarreeya Aqalka Wakiillada ayaa bayaan ay soo saareen kaga dalbaday Boebert in ay “si buuxda ula noqdo erayadan ayna ka fogaato in ay markale jeediso kuwa la mid ah.” Waxa ay sidoo kale ka dalbadeen hoggaamiyeyaasha Jamhuuriga “in ay mudnaantan kala hadlaan xildhibaanadda, ayna ugu danbeyn qaataan tallaabooyin si dhab ah loogaga hortagayo cunsuriyadda.”

Ilhan Omar ayaa Khamiistii sheegtay in Boebert ay sheekadan mala awaashay.

Boebert ayaa Jimcihii Twitter-keeda ku qortay “waxa aan ka raali gelinayaa qof kasta oo ka tirsan bulshada Muslimka ah ee dhibsaday hadalkeygii ku saabsanaa xildhibaan Cumar. Waxa aan la xiriiray xafiiskeeda si aan iyada si toos ah ula hadlo.”

Xigasho VOA and AP.