Ujeeddada Madaxweyne Mustafe-Cagjar u yimi Somaliland iyo Sida loo Qaabbilay

Hargeysa (aftahannews):- Madaxweynaha dowlad-deegaanka Soomaalida Ethiopia Mustafe Maxamuud Cumar (Cagjar) iyo wefti uu hoggaaminayo ayaa maanta soo gaadhay Somaliland, oo si diirran loogu soo dhaweeyey.

Weftiga madaxweynaha DDSI waxa magaalo-xuduudeedka Tog-wajaale ku soo dhaweeyey xubno ka mid ah Golaha Wasiirrada Somaliland oo uu horkacayo Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed iyo Maamulka Gobolka iyo Degmada Gabiley.

Ujeeddada socdaalka weftiga madaxweynaha DDSI ayaa ku saabsan xoojinta xidhiidhka labada waddan, gaar ahaan ismaamulka Soomaalida Ethiopia, iyadoo xilligan ay dagaallo  u dhexeeya Jabhadaha Mucaaradka iyo Ciidanka Federaalku ka socdaan Woqooyiga Dalkaas.

Muuqaalkan hoose ka daawo warkan oo faahfaahsan: