Puntland: Ciidanka PSF oo ka Baxay Furimaha Galgala iyo Calmadow

Puntland PSF
Puntland PSF

Boosaaso (aftahannews):- Ciidammada la dagaalanka aragagaxisada iyo ammaanka ee Dowlad-goboleedka Puntland, ayaa shaaciyey inay gebi ahaanba iskaga baxeen furimaha dagaalka ee Buuraha Gal-gala iyo Calmadow ee gobolka Bari ee ay ku sugan yihiin Kooxaha argagixisada ee Daacish iyo Al-shabaab.

Puntland PSF
Puntland PSF

Taliska Ciidamada PSF ayaa go’aanka shaaciyey maanta kaddib markii madaxweynaha Maamulka Puntland Siciid Deni uu isbedel ku sameeyey hoggaanka ciidankaas, isla markaana waxa goobihii ay ciidamadu ka hawl-gali jireen la geeyey Ciidamo horleh oo ka tirsan kuwa Daraawiishta ee maamul-goboleedkaas.

Saraakiil ka tirsan hay’ada PSF oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso, waxa ay go’aanka ay kaga soo baxeen furita dagaalka ku sababeeyeen isbeddelka lagu sameeyey hoggaanka ciidanka oo aan loo marin sifo sharci ah iyo xeerka ciidammada, iyagoo tallaabadaas ku tilmaamay mid aan ku habboonayn in loogu abaal-celiyo maadaama ay naftooda u soo hureen difaacista amniga Puntland.

Ciidammada PSF ayaa wakhtiyo kala duwan dagaallo ku dhex-mareen Buuraha Galgala iyo Calmadow iyo gobolka Bari kooxaha Al-shabaab iyo Daacish oo fadhiisimo ka dhigtay Buurahaas.

Hay’adda PSF ayaa taageero dhaqaale iyo mid ciidanka ka hesha Dalka Maraykanka.

Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdullaahi Deni, ayaa Arbacadii toddobaadkan xilka ka qaaday Agaasimihii Hay’adda PSF Maxamuud Cismaan Diyaano, waxaanu beddelkiisa xilka u magacaabay sarkaal lagu magacaabo Sarreeye guuto Maxamed Amiin Cabddulahi Xaaji Khayr.

Agaasimaha Xilka laga qaaday, ayaa ku gacan-saydhay inuu xilka wareejiyo, waxaana ilaa Khamiistii shalay magaalada Boosaaso ku sugnaa Wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan oo halkaas u joogay inuu xilka u kala wareejiyo labada masuul.

Wasiirka Amniga ee Puntland ayaa maanta sheegay inaanay ilaa immika u suurtoobin inay xilka u kala wareejiyaan labada masuul sababo la xidhiidha masuulka xilka laga qaaday oo ku gacan-saydhay inuu xilka wareejiyo.

Wasiir Gallan ayaa ku amray ciidanka PSF in aanay ka amar-qaadan Agaasimaha xilka qaadista lagu sameeyay, waxaanu u soo jeediyey inaany ka soo bixin xeradooda inta laga xallinayo muranka taagan.

Dhinaca kale, Taliyaha Guud ee Ciidanka Puntland Jeneral Yaasiin Cumar Dheere ayaa isaguna baaq u diray sarkaal xilka laga qaaday oo ugu baaqay inuu xilka wareejiyo. Waxa uu taliyuhu sheegay inaanay magaalada Boosaaso u baahnayn colaad iyo xiisad dagaal, islamarkaana aysan dowladdu diyaar u ahayn arrintaas haddii aan laga fursan waayin.

Waxa jirta cabsi xooggan oo laga qabo inuu dagaal u dhexeeyo PSF iyo ciidamada Puntland ka dhaco magaalada Boosaaso haddii maamulku xoog iyo qasab u adeegsado xil-wareejinta agaasimaha xilka laga qaaday.