Afhayeenka Kulmiye Muxuu Ka Yidhi In Laga Joojiyey Inuu La Hadlo Warbaahinta ?

Hargeysa (Aftahannews)- Afhayeenka xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni, ayaa beeniyay warar baraha bulshada lagu baahiyay oo sheegayay in guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga Kulmiye Maxamed Kaahin Axmed uu ku amray in aanu warbaahinta la hadal amar la’aan.

Buuni ayaa sheegay in laga been abuuray wasiir Maxamed Kaahin oo ah guddoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga isla markaana ay warar kaasi baahiyeen dad aan masuuliyad u saaxiib ahayn.

“Anniga oo ku hadlaya afka xisbiga Kulmiye iyo afka guddoomiye ku xigeenka 1aad Maxamed Kaahin Axmed oo shalay dad aan masuuliyad usaaxiib ahayni ayka qoreen warar aan sal iyo raad toona lahayn, kuwaasi oo lagaga been abuuray guddoomiye ku xigeenka 1aad, xisbiga iyo aniga, waxan shacbiga u sheegayaa in warkaasi yahay waxba kama jiraan” ayuu yidhi Buuni.

Buuni ayaa sheegay in ay warkan baahiyeen dad wax magarato ah oo ka xun awooda xisbiga talada haya ee Somaliland.

“Waxa fidiyay dad xamas ah oo aan caqli u saaxiib ahayn, ayna tahay markii la arkay awooda xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye, madaxda Kulmiye iyo xukuumada J. Somaliland ee markale hanatay quluubta iyo awooda shacbiga Somaliland”  ayuu yidhi Buuni.

Maalintii shalay ayaa waxa baraha bulshada si wayn ugu baahay warar sheegaya in wasiir Kaahin uu Buuni ku amray in aanu warbaahinta la hadli karin ilaa uu amar ka helo madaxda sare ee xisbiga Kulmiye.