Qarax Arday Iskuul iyo Shacab kale lagu laayey oo Muqdisho ka dhacay

Qaraxa ka dhacay Muqdisho
Qaraxa ka dhacay Muqdisho

Muqdisho ():- Ugu yaraan siddeed Qof, ayaa ku geeriyooday 17 kalena waa ku dhaawacmeen qarax saaka ka dhacay inta u dhexeysa isgooyska Tarabuunka iyo dugsiga sare ee Benaadir ee magaalada Muqdisho sida ay xaqiijiyeen hey’adaha ammaanku.

Qaraxa ka dhacay Muqdisho
Qaraxa ka dhacay Muqdisho

Booliska Soomaaliya, ayaa sheegay in qaraxan loo adeegsaday gaariin noociisu ahaa Surf, kaas oo lala beegsaday gawaari ay leedahay shirkadda Duguf Security oo waardiyeyneysay shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay.

Qaramad Midoobay weli kama hadlin qaraxan iyo haddii ay jirto khasaare soo gaaray shaqaalaheeda.

Qaraxan ayaa sidoo kale waxyeello soo gaarsiiyay ardayda dugsiga Mocaasir iyo dad kale oo rayid ah oo ka agdhawaa goobta uu ka dhacay.

Kooxda Al-shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxan, iyaga oo sheegay inay la beegsadeen ciidamada AMISOM.