Hay’adda Nabad-sugidda Puntland oo diidday Sharci-nimada Magacaabis Madaxweyne Dani sameeyey

Hay’adda Nabadsugidda Puntland iyo Madaxweyne Deni oo is Khilaafay 2021
Hay’adda Nabadsugidda Puntland iyo Madaxweyne Deni oo is Khilaafay 2021

Garoowe (aftahannews):- Hay’adda Ciidanka Nabadsugidda Puntland ee PSF,  ayaa sharci-darro ku tilmaamtay digreeto uu Madaxweynaha Puntland Siciid Cabdillaahi Dani ku magacaabay Agaasimaha cusub ee Hay’adda PSF.

Hay’adda Nabadsugidda Puntland iyo Madaxweyne Deni oo is Khilaafay 2021
Hay’adda Nabadsugidda Puntland iyo Madaxweyne Deni oo is Khilaafay 2021

Qoraal lagu daabacay barta facebook ee PSF ayaa lagu sheegay in go’aanka Madaxweyne Deni uu baalmarsan yahay sharciyadda, xeerka ciidannimada iyo dhaqanka suuban.

“Si dhow ayaan u la soconnay xaaladda dalka cidda la sameynaysa xidhiidhada gurracan cadowga shacabka iyo jiritaanka Puntland, Ciidanka PSF saacadna dib uga noqon maayaan difaaciinna iyo ilaalinta amnigiinna.” ayaa lagu yidhi qoraalka PSF.

Ka dib markii ay soo baxday magacaabista cusub ee uu Madaxweyne Siciid Cabdillaahi Deni sameeyay, ciiddamo katirsan kuwa PSf ayaa gudaha u galay magaalada Boosaaso, halkaas oo ay ku leeyihiin saldhigga ugu weyn ee fadhiisinka u ah Saraakiisha ugu sarreysa Hay’adda PFS.

Cabsi ayaa laga qabaa inuu isku dhac dhexmaro ciiddamo magaalada Bosaso la geeyay iyo ciiddanka PSF, sidoo kale, in ciiddanka PSF ay baneeyaan furimaha ay kaga jiraan buuraha Calmadow ee Alshabab weerarada kasoo abaabulaan.

PSF, waa hay’ad madax bannaan, oo tan iyo markii la aas aasay ku dhawaad 15 sano ka hor, ma jirin madaxweyne Puntland soo maray oo soo magacaabay madaxda hay’addan.

Waxaa tan iyo markii la aas aasay xukumayay qoyska Gen. Asad Cismaan Cabdullaah Diyaano, oo Aabahiis Cismaano Diyaano  lagu tilmaami jiray inuu ahaa aas aasihii hay’addan.