71-guurada Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed oo si weyn looga Xusay Dalka Soomaaliya

Soomaaliya(Aftahannews):- Inta badan gobollada iyo degmooyinka dalka Soomaaliya, ayaa maanta si weyn looga xusay 71-sano guurada ka soo wareegtay aasaaskii ururkii dhallinyarada gobonnimo-doonka Soomaaliyeed ee SYL oo sannad kasta 15-ka bisha May laga xuso Soomaaliya.

2014515635357616318582585May1

2014515635357617616170160May3 2014515635357618161928572May4 2014515635357620967702765May6 2014515635357621629898070May5 2014515635357622907882190May7 2014515635357624921995554May8

1969137_299307016895055_4703329318816365023_n 10359514_299307096895047_3989012011846404467_n 10367579_299307076895049_8193623377204254874_n2014515635357616701502355May2

Ra’iisul wasaaraha Somalia, Cabdiweli Sheekh Axmed ayaa maanta ka qayb-galay munaasabad lagu xusayay 71-sano guuradii ka soo wareegtay aasaaskii ururkii dhallinyarada gobonima doonka Soomaaliyeed ee SYL. Munaasabaddan oo lagu qabtay garoonka kubadda cagta Koonis, waxaana soo qaban-qaabisay wasaaradda dhallinyarada iyo isboortiga.

Intii ay socotay munaasabadda ayaa waxaa lagu soo bandhigay suugaan qiiro leh oo ka tarjumeysa wax-qabadka dhallinyarada Soomaaliyeed iyo qaar ka mid ah ciyaaraha hiddaha iyo dhaqanka ee laga ciyaaro dalkeenna taasoo ay jecleysteen ka qayb-galayaasha munaasabadda. Qaar ka mid ah ururada dhallinyarada gobolka Banaadir oo sitay boorar ay ku xardhan yihiin halku-dhigyo ka turjimaya qiimaha maalintan ayaa socod kusoo maray goobtii ay munaasabaddu ka dhacaysay.

Mid ka mid ahaa halgamayaashii ururka SYL oo goobta ka hadlay ayaa wax badan ka sheegay taariikhda ururka iyo qaabkii ay uga qayb-qaateen tageeridda ururka shacabka Soomaaliyeed oo xilligaas hamuun u qabay in ay helaan xoriyaddii ay ku taamayeen.

“Waxaan halkan uga mahadceliyaa xukuumadda Soomaaliya oo runtii xil weyn iska saaray muujinta qiimaha ay leedahay maalintan oo ah mid taariikhi ah una baahan dadka Soomaaliyeed ee xilligaas aan joogin inay wax badan ka ogaadaan,” ayuu yiri Xaaji Shukri oo wax badan u soo joogay waayihii kala duwanaa ee Soomaaliya.

Sidoo kale, ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa sheegay in sannad-guurada 71-aad ee kasoo wareegtay aasaaska ururkii dhallinyarada Soomaaliyeed ee SYL ay astaan u tahay taariikhda iyo gobonimada Soomaaliya, isagoo ku boorriyay dhallinyarada xilligan inay ku daydaan dhallinyaradii SYL oo ummadda Soomaaliyeed uga tagay taariikh dahab ah, wuxuuna hoosta ka xariiqay in xukuumaddiisu ay mudnaanta siinayso horumarinta dhallinyarada Soomaaliyeed maadaama ay yihiin xubinta ugu firfircoon bulshada.

“Aad iyo aad ayaan ugu faraxsanahay inaan maanta dhex-taaganahay dhallinyaro xusaysa maalinta weyn ee 15-ka May oo astaan u ah xorriyadda ummadeenna, waa maalinkii ay saddex iyo toban dhallinyaro ah fariisteen dhidibaddana u is-taageen xorriyada maanta aynu haysanno, maanta waxaa laga joogaa xilligaas 71-sano, hambalyo ayaan leeyahay dhallinyarada Soomaaliyeed meel waliba oo ay joogaan,” ayuu yiri.

Dhanka kale, ra’iisul wasaaraha ayaa tacsi u diray ehellada dadkii waxyeelladu ka soo gaartay qaraxii Baydhabo ka dhacay iyo dhacadii shacabka dalka Turkigu ku waxyeelloobeen.

“Anigoo munaasabaddan qiimaha badan ka faa’iideysanaya waxaan halkan tacsi uga dirayaa dadkii Baydhabo lagu dilay ee gacanta ka gar-daran dishay; waxayna taasi nagu dhiiri-gelinaysaa inaan u midowno cadowga Al-shabaab, waxaa kaloo i soo gaartay war xanuun badan oo ah shil ka dhacay dalka aan walaalaha nahay ee Turkiga oo dad badan ku dhinteen, waxaana munaasabaddan sharafta badan ee 15-ka May uga faa’iideysanayaa inaan tacsi u diro dowladda iyo shacabka Turkiga,” ayuu mar kale yiri ra’iisul wasaaraha Soomaaliya.

May 15-keedii sannadkii 1943-dii ayay ahayd markii 13 dhallinyaro Soomaaliyeed ah ay aasaaseen ururkii SYL, kaddib markii ay dareemeen hagar-daamooyinka gumeysiga, iyagoo horkacay halgankii gobanimo doonka ahaa, kaasoo guushiisii la gaaray sannadkii 1960-kii oo Soomaaliya ay ka xorowday gurmeystaha.

Sidoo kale, Munaasibado tan oo kale ah oo lagu xusayo Maalinta Dhalinyarada Soomaaliyeed ee 15-ka May, ayaa lagu qabtay magaalooyink kale ee dalka Soomaaliya iyo sidoo kale magaalooyin ka tirsan Maamul-goboleedka Puntland, kuwaasoo lagu muujiyey qiimaha ay maalintani u leedahay guud ahaan Soomaalida, gaar ahaanna dhalinyarada Soomaaliyeed.

Aftahannews.com

Muqdisho/Soomaaliya/Office.