Doorashada Xildhibaannada Golaha Shacabka ka soo galaya Galmudug oo Dhuusamareeb ka bilaabantay

Dhuusamareeb (aftahannews):- Magaalada Dhuusamareeb waxaa maanta lagu qabtay doorashada kuraastii ugu horeeyay ee Golaha Shacabka ku matalaya Galmudug.

Waxaa maanta magaalada lagu doortay laba xildhibaan oo kala ah Mahad Cabdalla Cawad iyo Yuusuf Geelle Ugaas.

Doorashada maanta, ayaa ka dhigeysa Galmudug dowlad-goboleedkii ugu horreeyey ee qabta doorashada golaha Shacabka.

Hore waxaa Muqdisho loogu doortay qaar ka mid ah xildhibaanada kasoo galaya golaha Shacabka Baarlamaanka federaalka Soomaaliya gobollada Waqooyi ee Somaliland.

Halkan hoose ka daawo Muuqaalka doorashada golaha Shacabka ee Galmudug:-