Garoonka Diyaaradaha ee Berbera yaa lagu wareejiyay?

Furitaanka Garoonka Diyaaradaha ee Berbera 2021
Furitaanka Garoonka Diyaaradaha ee Berbera 2021

Garoonka Diyaaradaha ee Berbera yaa lagu wareejiyay?

Heshiisyada Ceshiimadda (Concessions) iyo Gaar yeelidda Hantida Dawladda (Privatision) – WQ: Xamse CRaxmaan Khayre 
………..

Furitaanka Garoonka Diyaaradaha ee Berbera 2021
Furitaanka Garoonka Diyaaradaha ee Berbera 2021

Marka shirkad gaar loo leeyahay lagu wareejinayo maamulka mid ka mid ah kaabayaasha halbowlaha u ah qaranka sida garoonka diyaaraddaha ee Berbera waxaa waajib ah in hab qandaraas ah loo baahiyo oo loo tartamo iyo in ay jirto sababo macquul ah oo loo cuskanayo in ku wareejinta maamulka ama/iyo lahaanshaha hanti dawli ah ee shirkad gaar ahi iney ka abdo (efficiency) iyo waxtar badan tahay in ay dawladdu ay gacanta ku hayso maamulkeeda/lahaanshaheeda.

Intaa kadib waa in uu jiraa heshiis la hor keeno Golaha Wakiilada oo cadaynaya arimahan:

1. Shirkadda lagu wareejinayo maamulka/lahaanshaha ta ay tahay, cidda leh, khibradda iyo waayo aragnimadda ay u leedahay hawlaha maamulka garoonadda diyaaradaha.

2. Maalgelinta ay shirkadda lagu wareejinayaa samaynayso iyo xaddigeeda. Sidoo kale muddada heshiiska iyo khidmada maamulka ee qaranku siinayo shirkaddaas iyadda.

3. Nooca heshiiska lala galaya iyadana waa inuu cad yahay. Lahaansha garoonka miyaa la wareejinayaa? Ma maamulka ayuun baa la wareejinayaa ee dawladda ayaa lahaanaysa? Ma qaar ka mid ah adeegyadda garoonka ayuun baa la wareejinaya sida rarka iyo dejinta (handling), amaanka (secuirity) iyo barxadda gaadidka (parking)? Ma iskaashi dawladda iyo shirkadaha gaarka loo leeyahay baa( PPP)?

Laba maalmood ka hor markii la furayay Garoonka diyaaradaha caalamiga ee Berbera waxaa lagu war helay in shirkad gaar loo leeyahay ay maamuli doonto hawlaha oo gacan ku hayntiisa oo aanay shaqo ku yeelanayn Wakaaladdii Duulimaadyadda Maddaniga & Maamulka Garoonadda ee Qaranku. Dorraad ka hor cid maqashay shirkadda BIAC (Berbera International Airport & Cargo handling) iyo meel lagu xayayaysiiyay iyo sababaha loo cuskaday wareejinta maamulka/lahaanshaha garoonka lama yaqaan. Shirkadda lafteedda lama yaqaan.

Tusaale ahaan dekedda Berbera waxaynu ognahay in lagu wareejiya shirkad DpWorld la yidhaa oo aqoon durugsan u leh hawlaha maamulka dekedaha oo ka hawlgasha in ka badan 70 dal, in muddo 30 sanno ah lagula heshiiyay iney gacanta ku hayso iyaddoo saami 35% ah aynu ku yeelanayno iyo iney maalgelin 420 milyan oo doolar gelinayso. Waxaa heshiiska dekeda ku caddaa in lahaanshaha aynaan wareejin ee maamulka uun aynu ku wareejinay Shirkaddaas. Waxaa la hor keenay golaha wakiilada oo ansixiyay duruuf kasta oo uu marayba heshiiskaasi. Haddaba bal ugu yaraan intaa dekedda in le’eeg oo ban-yaalnimo ah (transparency) ahi ma la sameeyay markii Garoonka diyaaradaha Berbera lagu wareejinayay BIAC? Jawaabtu waa maya. Maxaa loo samayn waayay? Jawaabta idinka ayaan idiin dhaafayaa waxaase marag ma dion ah in jawiga noocaas ah ee ki gedaaman heshiiskan hoostiisa ay suurtagal ka noqon karto inuu dhaco musuq bi’iya mustaqbalkeena.

Xafiiska Ganacsiga, Warshadaha, iyo Dalxiiska ee Xisbiga Waddani, isagoo baadhintaankiisa madax banaan ku jira, wuxuu ugu baaqayaa Xukuumaddu iney ku soo noqoto xayndaabka sarraynta sharciga (rule of law) iyo dawlad-wanaaga (Good governance) oo ay heshiiskaas u marto waddada xalaasha ah ka hor inta aan gacanta cid gaar ah loo gelin goob halbowle u ah qaranka sida garoonkaas Berbera oo kale. Golaha wakiiladdu waa iney degdeg uga hawlgalaan oo xukuumadda iyo hay’adaheega ku shaqadda leh ugula xisaabtaamaan qaabkan loo maamulay wareejinta garoonka Berbera ee madmadowga baddani ku jiro isla markaana dib qandaraas loo geliyaa wareejinta maamulka ama loo daayaa gacan ku hayntiisa Hay’adda Duulimaadyadda Maddaniga ah iyo maamulka garoonadda.

Allaa mahad leh
Xamse C.raxmaan khayre
Xog-hayaha ganacsiga, Warshaddaha & Dalxiiska Waddani.