Sheekadii Abaalka iyo Shaydaanka! WQ: Jamaal Cali Xuseen 

Jamaal Cali Xuseen
Jamaal Cali Xuseen

Nin weyn oo oday ah oo markaa ka yimi miyi ayaa imanaya meel wacyi uu sheekh ka akhriyaayey. Sheekhii baa markaa isaga oo wacdigii jeedinaya uu ka hadlayaa dhibaatada ay xantu leedahay, haddana mawduucii ku xigay ee uu Sheekhu ka hadlo ayaa noqonaysa “Sheydaanka”.

Jamaal Cali Xuseen
Jamaal Cali Xuseen

Ninkii odayga ahaa ee miyi ka yimi ayaa markaasi hadal la soo boodaya oo odhanaya; “Sheekhoow waadigii xanta ka hadlayee, maxaad imika u xamanaysaa Sheydaanka!” dadkii dhegeysanaayey ayaa wax qosla iyo wax yaaba noqday!.

Ninkii odayga ahaa ee reer miyiga ahaa ayaa ku noqday reerkiisii. Markii uu habeenkii seexday ayaa uu riyoonayaa. Wuxuu ku riyooday Sheydaankii oo intuu u yimid ku yidhi abaalkii aad ii gashay ee aad Sheekha iga difaacday maanta dartii adduunka ayaan kugu soo wareejinayaa ee waynu duulaynaaye dhabarkayga soo fuul. Haddaba isagoo dhabarkii Sheydaanka fuushan riyada dhexdeedii ayaa ay kaadi qabanaysaa. Sheydaankii baa ku odhanaya waxba ha is dhibine iskaga kaadi dhabarkayga illayn daadagi kari maynoo samadii baynu maraynaaye. Aroornimadii baa odaygii hurdadii laga kiciyey. Islaantiisii baa arkaysa gogoshii oo qoyan. Markaasay ku odhanaysaa; “Ee maxaa ka qoyan gogosha!”! Odaygii baa xasuustay inuu riyooday oo gogoshii ku sii daayey kaadi. Markaasuu isagoo yaabban odhanayaa; “ Iska daa waa sheydaan iyo abaalkiiye!!!!”

Source: Buugga Diiwaanka Qosolka – daabacaadda Labaad (2nd edition).