Raysal-wasaaraha Itoobiya oo gaadhay Jiidda hore ee Dagaalka oo uu sheegay inuu hoggaamin doono

RA'IISAL-WASAARAHA ITOOBIYA ABIY AHMED 2020
RA'IISAL-WASAARAHA ITOOBIYA ABIY AHMED 2020

Addis Ababa(aftahannews):- Ra’iisul wasaaraha waddanka Itoobiya, ayaa gaaray jiidda hore ee dagaalka u dhaxeeya ciidammada dowladda iyo xooggaga fallaagada.

RA'IISAL-WASAARAHA ITOOBIYA ABIY AHMED 2020
RA’IISAL-WASAARAHA ITOOBIYA ABIY AHMED

Abiy Axmed, ayaa sheegay in isaga uu shakhsiyan hogaamin doono dagaalka dalka loogaga difaacayo fallaagada u soo ruqaansatay dhanka magaalada caasimadda ah ee Addis Ababa.

Waxa uu intaasi ku daray in halis ay ku jirto jiritaanka Itoobiya walow dowladdiisa ay gaashaanka u daruurtay in fallaagadu ay horumar ka sameeyeen dagaalka.