Madaxweyne Biixi Oo Kulammo Kala Duwan la yeeshay Waxgarad Beeshiisa ka tirsan

Hargeysa (Aftahannews)- Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, ayaa la sheegay in kulammo goosgoos ah uu kula yeeshay Magaalooyinka Hargeysa iyo Berbera xubno haldoorka Beeshiisa ah ka tirsan, kuwaas oo ay iska xog-warraysteen qorshayeeshiisa siyaasadeed ee mustaqbalka iyo dumaasha Guddoomiyennimadda Xisbiga KULMIYE iyo arrimo kale.

Madaxweyne Biixi oo muddooyinkii ugu dambeeyey ku hawlanaan shirar doceed-yo iyo wadda tashi uu la yeellanayey xubnaha Beeshiisa kuwooda uu bidayey inay wax ku biirin karrayaan,ayaa xoggo uu wargeyska Waaberi helay ay sheegeen in inta baddan qoddobada uu kale hadlay ay ugu mihiimsanayeen saddex qoddob ,kuwaas oo kale ahaa in doorashada Madaxtooyadda ay ka go’antay inuu wakhtigeeda uu ku qabto iyo dumaasha Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE iyo Musharrax-nimadiisa.

Kullamadan oo kii ugu dambeeyey uu toddobaadkan ka dhacay Magaalada Berbera ayaa la sheegay in ay inta baddan xubnaha uu la kulmay ee Hargeysa iyo Berbera uu kulamada kula yeeshay in ay hal qoddob ay si isku mid ah u so dhaweyeen,kaas oo ahaa in doorashada Madaxtooyadda uu wakhtigeedii ku qabanayo,waxaanay qoddoban u soo dhaweeyeen si weyn, kaas oo ay arkeen inuu yahay mihiim,isla markaana uu taariikhda u gellayo Madaxweynaha ka soo jeeda Beeshooda iyo guud ahaan-ba Beesha Subeer Awal oo ay u arkayeen in arrintani ay sharaf u tahay.

Dhanka kalene Xoggaha ayaa sheegay xubnaha kale duwan ee uu Madaxweyne Biixi kullamada gaar gaarka ah uu kula yeeshay Hargeysa iyo Berbera ee Beeshiisu ay qoddobka labaad ee wareejinta Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE ay u arkayeen mid uu la soo daahay,isla markaana aan hadda wax-ba u tarayn loona baahnaa inuu wakhti hore uu tallabaadaa qaado,haseyeeshee waxay kula taliyeen in cidii uu dantiisa ka arko Gafaadhi iyo Maxamed Kaahin uu ku wareejiyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE marka la gaadho shirka golaha dhexe ee KULMIYE.

Sidoo kalena xoggaha ayaa sheegay in qoddobka Musharraxnimadiisa  ay ku kale qaybsameen,waxaana la sheegay in qaarkood ay ugu baaqeen in aanu doorashada Madaxtooyadda isa soo sharraxin,taas oo ay ku sababeeyeen in tageerayaashiisii uu lumiyey,isla markaana ay iyaga laftoodu ay jiraan dad baddan oo beeshooda ah oo aan u coddaynay Madaxweyne Biixi mar dambe,marka laga yimaado beelaha kale,waxaanay u sheegeen in gelinka hore lagaga guulaysan doonno doorashada Madaxtooyadda,taas oo ay u sheegeen in aanay sharaftiisa ahayn iyo ta beesha u wanaagsanayn, halka xubnaha reer Berbera ee uu la kulmayna ay u sheegeen inuu isa soo sharraxo,isla markaana ay beesha subeer awal diyaar u tahay,haseyeeshee loo baahan yahay inuu la yimaado qorshayeel kale oo uu ku kasban karro beelaha kale iyo qorshayaal kale.

Si Kastaba ha-ahaatee waxa la sheegay in Madaxweyne Biixi uu ku adkaystay in tartanka doorashada Madaxtooyadda inuu ka qayb-gallo,isla markaana uu wareejiyo Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE, doorashada Madaxtooyaddana uu wakhtigeeda ku qaban doonno,waxaynu dhawrnaa halka ay saldhigato xaajadu in Madaxweyne Biixi uu ku adkaysto inuu tartanka doorashada Madaxtooyadda gallo iyo inuu ka baqdo oo uu taa beddelkeeda curiyo muddo kordhin.

Xigasho Wargeyska Waaberi.