“Muuse Miyaanu Is Oggeyn In Isagu Uu Marti Ku Ahaa Xisbiga KULMIYE Oo Uu Ku Soo Gallay Jidka Cunfiga “Siyaasi Maxamed Iid Dhimbiil

Hargeysa, (Aftahannews)-Siyaasi Maxamed Iid Dhimbiil oo kamid ah masuuliyiinta Xisbiga WADDANI ayaa sheegay in Madaxweyne Biixi uu marti ku ahaa Xisbiga KULMIYE,isla markaana annu kamid ahayn aasasayaashii,Xisbiga KULMIYE iyo raggii ugu horeeyey ee ku soo biiray,haseyeeshee uu kamid ahaa Jimce raaci dambe,isla markaana uu jidka cunfi ah ku soo gallay ”Muuse miyaanu is oggeyn in isagu uu marti ku ahaa Xisbiga KULMIYE,markii aanu KULMIYE ahayn isagu muu ahayn dadkii aasaasay,dadkii ugu horeeyey ee soo gallayna muu ahayn,haddii taa la eegayo raggii kaga xaqa lahaa ee ay kamid-ka ahayeen Samaale iyo Maxamuud Xaashi ayaa haddii cid lagu wareejinayo lagu wareejin lahaa ,lakiin isaga oo kale nin dariiq cunfi ah ku soo gallay ayuu ahaa Xisbiga oo ilaa Guddoomiyenimadiis siduu ku yimi waxay ahayd dariiq wadda cunfi ah ,markaa malaa taariikhdiisii uu KULMIYE ku yimi ayuu illowsanyahay saxiibkay Muuse.”ayuu yidhi

Siyaasi Maxamed Iid Dhimbiil ayaa sheegay in jagada Guddomiyaha KULMIYE uu ku yimi Madaxweyne Biixi jidkaa cunfiga iyo qarax-yadii shaannida “Markii dambe ee wax dhacayeen mashruucii shaannida weynu oggeyn in si cunfi leh loogu wareejiyey waa la ogyahay.”ayuu yidhi

Sidoo kale Siyaasi Maxamed Iid Dhimbiil ayaa sheegay in Guddoomiyaha cusub ee Xisbiga WADDANI Xirsi Cali Xaaji Xasan lagu doortay hab dimuqraadiyada ah,haseyeeshee aanu ku iman qaraxyaddii shaannida iyo jidkii cunfiga lahaa ee uu Madaxweyne Biixi ku yimi hoggaaminta Xisbiga KULMIYE