Wasiir Dubbe Oo Ka Jawaab Celiyay Eedeyntii Ka Soo Yeedhay Hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Muqdisho, (Aftahannews)-Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya Cismaan Abuukar Dubbe ayaa ka jawaab celiyay eedeeyn kulul oo kasoo yeertay hoggaamiyaha Xisbiga Wadajir ahna Musharax Madaxweyne Cabdiraxmaan Cabdishakuur

Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa dhaliil adag kala dul dhacay raysal wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya oo uu sheegay inuu baal maray sharuucdii doorashada dalka.

Wasiir Cismaan Dubbe ayaa difaacay shaqada uu hayo Raysal Wasaare Rooble oo uu sheegay iney ku socoto wadadii saxda aheyd.

“Doorasho dadban waad taqaanniin oo way iska jiitantaa, doorashada hal qof iyo hal cod ayaa hal maalin dhacda. Doorasho dadban waxay leedahay culeys dhaqaale, culeys amni culeys siyaasadeed, laakiin xukuumadda uu hoggaamiyo Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble waxay ku socotaa waddadii saxda ahayd” ayuu yiri Wasiir Cismaan Dubbe.

Eedeynta kasoo yeedhay Cabdiraxmaan Cabdishakuur waxaa sidoo kale horay uga jawaab celiyay Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Warfaafinta Cabdiraxmaan Alcadaala iyo afhayeenka Xukuumadda Maxamed Ibraahin Macalimuu, kuwaas oo si weyn u difaacay shaqada uu haayo Raysal wasaaraha Soomaaliya.