Madaxweynaha Somaliland Oo Diyaaraddii Ugu Horraysay Ka Soo Raacay Madaarka Berbera Iyo Furitaanka Madaarka Caalamiga Ah

Furitaanka Garoonka Diyaaradaha ee Berbera 2021
Furitaanka Garoonka Diyaaradaha ee Berbera 2021

Berbera (Aftahan)-Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa xadhigga ka jaray madaarka caalamiga ah ee Berbera International Airport oo in muddo ahba lagu waday casriyeyn iyo dib-u-habayn ballaadhan.

Madaxweynah oo muddo laba maalmood ah safar shaqo ku joogay xarunta gobolka Saaxil ee Berbera, ayaa kormeer kooban oo uu ku sameeyey dhabbada ay diyaaraduhu ka haadaan ee Berbera, kaddib waxa uu saaka si rasmi ah u furay madaarka Berbera International Airport oo loo qaabeeyey hannaankii ugu casrisanaa ee loo bineeyo madaarrada adduunka, waxana maanta si rasmi ah u bilaabmay duullimaadyadii diyaaradaha ee ka gooshi lahaa.

Munaasibad ballaadhan oo lagu daah-furay madaarka Caalamiga ah ee Berbera International Airport oo lagu qabtay gudaha madaarka, ayaa waxa madaxweynaha kala qaybgalay xubno kamid ah shirguddoonka golaha wakiillada, saraakiil sar sare oo ka socday dalka Imaaraadka Carabta oo isagu gacanta ugu weyn ka qaatay maalgelinta madaarka, xildhibaanno, xubno kamid ah golaha wasiirrada, madaxda hay’adda Duulista iyo madaarrada Somaliland, safiirro, diblomaasiyiin, wefti ka socday shirkadda Diyaaradaha ee Ethiopian Airline iyo marti-sharaf kale oo aad u tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu baarigayo qiimaha madaarka cusub ee Berbera, muhiimadda uu qaranka Jamhuuriyadda Somaliland iyo guud ahaanba geeska Afrika u leeyahay.

Ugu horrayn maareeyaha Hay’adda duulista iyo madaarrada Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Cumar Sayid Cabdilaahi Aadan oo munaasibadda ka hadlay, ayaa sharraxay dedaalkii ay xukuumaddu gelisay inuu madaarka Berbera dhammaado, islamarkaana ay diyaarado caalami ahi duulimaadyo si rasmi ah uga samayn doonaan.

Maareeye Cumar-sayid oo ka hadlay hannaanka cusub ee madaarka loo casriyeeyey loogana dhigo mid dunida la jaanqaadayo, ayaa sheegay in gebi ahaanba la beddelay dhabbadii hore ee diyaaradaha oo dhererkeedu ka badnaa 4KM (Afar Kiiloomitir), iyada oo la sameeyey guluubada waaweyn ee habeenkii suurogelinaya inuu madaarku shaqeeyo, lagu soo wareejiyey xayndaab ku fadhiya 30km oo isku weeran, islamarkaana la dhisay Teerminnaallo casri ah oo ku qalabaysan agabkii ugu dambeeyey ee madaarrada dunida lagaga shaqeeyo.

Xubno ku hadlayey magaca dawladda Imaaraadka Carabta oo ay kamid yihiin safiirka dawladda Imaaraadka u fadhiya Jamhuuriyadda Somaliland, Ambassador Abdullah Alnaqbi iyo Mr.Dritan ah madaxa Imaaraadka Carabta u qaabilsan madaarka Berbera ayaa bogaadiyey horumarka ay qaybta weyn ka qaateen ee ka hirgalay madaarka Berbera, waxana ay si cad u sheegeen inay dawlad ahaan u hagar baxeen madaarka, kana dhigeen mid la jaanqaadaya dhiggiisa kale ee dunida.

Wasiirka wasaarada Gaadiidka iyo horumarinta Jidadka, Mudane Cabdirisaaq Maxamed Ibraahim (Ataash) oo munaasibadda ka hadlay, ayaa dhismaha madaarka ku tilmaamay guul weyn ee ay Jamhuuriyadda Somaliland ku tallaabsatay, waxana uu xusay in qaranka Somaliland gaadhay heer dunidu kusoo hirato oo maalgashi ku samayso, islamarkaana uu madaarkani ibo furi doono jid cusub oo dhaqaale iyo is-dhexgal bulsho ah.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo munaasibadda khudbad dhinacyo kala duwan taabanaysa kusoo Afmeeray, ayaa ugu horrayn si mug leh ugu mahadnaqay dalka Isu-tagga Imaaraadka Carabta, waxana uu sheegay inay Somaliland is barbar taageen maalin adag, shacabka reer Somaliland-na ay abaal badan u hayaan, maaddaama oo ay ku dhiirradeen inay maalgelin hagar la’aan ah u huraan dhulka Somaliland.

Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi waxa uu farriin u diray shacabka reer Somaliland, isaga oo usoo jeediyey inay u diyaargaroobaan sidii ay usoo jiidan lahaayeen bulshada caalamka iyo midda geeska Afrika ku dhaqanba, maaddaama oo maanta si weyn loo casriyeeyey madaarka Berbera iyo dekeddaba, waxana isaga oo arrimahaas ka hadlaya uu yidhi, “Maanta waxaynnu joognaa garoon caalami ah oo garoomada adduunka weyn kamid ah oo ay walaalladeen Imaaraadka carabtu inoo maalgeliyeen, innagana waxa la inaga rabaa inaynu u diyaargarownno sidii ummadda caalamka oo dhammi halkan usoo mari lahaayeen, mar haddii uu garoonkii ugu weynaa yahayna waxaynnu u baahannahay inaynnu caalamka intiisa kalena soo jiidanno.”

Madaxweynuhu waxa uu bulshada ku dhaqan magaalada Berbera iyo guud ahaanba gobolka Saaxil ku hambalyeeyey go’aannada geesinnimada leh ee ay ku taageereen maalgelinta iyo dib-u-dhiska magaalada, waxana uu ku tilmaamay bulsho ku caanbaxday maskax-furnaan iyo taageero ay u muujiyaan wax kasta oo dalkooda usoo kordha.

Ugu dambayntii madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo xubnihii weftiga ahaa ee uu hoggaaminayey waxa ay diyaarad kasoo raaceen garoonka caalamiga ah ee Berbera International Aiport, iyaga oo si nabadgelyo ah kusoo gaadhay caasimadda Hargeysa, waxana maanta laga bilaabo si rasmi ah u bilaabmaya duulimaadyada kala duwan ee ka degaya garoonka Berbera iyo kuwa kusoo degayaba.