Kooxda Arsenal Oo Mucjiso Yaab Leh Ku Soo Kordhisay Horyaalka Ingiriiska

Tababaraha Liverpool ee Jurgen Klopp ayaa ‘wax aan caadi ahayn’ ku tilmaamay sida ay Liveprool dib ugu soo kabatay ee ay xilli ciyaareedkeeda usoo noolaysay iyadoo saddexdiiciyaarood ee ugu horreeyey laga badiyey.

Liverpool ayaa khadka cas ku jirtay markii loo baxayay kulamada  caalamiga ah bishii September, hase yeeshee fasaxii November ayaa yimid iyagoo kaalinta shanaad soo galay oo toban ciyaarood oo siddeed ka mid ah ay horyaalka Premier  League yihiin aan wax guul-darro ah la kulmin.

Gunners waxa guul-darro ugu dambaysay ciyaartii ay Manchester City ku garaacday 5-0, intaas kaddibna waxay kusoo jireen qaab ciyaareed wanaagsan, iyagoo lix ciyaarood oo Premier League ah badiyey, labana barbarro galay.

Mikel Arteta ayay kooxdiisu Sabtida u tegaysaa Liverpool oo kaalinta afraad ku jirta, haddii ay soo guuleystaana waxay dhaafi doonaan hal dhibic iyagoo ku fadhiisan doona booska afraad.

Jurgen Klopp oo wax laga weydiiyey sida ay Arsenal usoo kabatay ayaa ku jawaabay: “Anigu lama  yaabbbani, laakiin wax caadi ah ma aha. Way iska caddahay in Arsenal ay haysato ciyaartooyo tayo leh, manay jirin fursad ay ku joogayso horyaalka halka ay ku bilaabatay, wayna iska caddayd inay mar walba soo kabanayso.

“Balse sida ay usoo kabteen caadi ma aha, sababtoo ah, waxay illaa waqtigaas soo helayeen natiijooyin aan caadi ahayn wayna fiicnaayeen.“Way ogyihiin inay nasiib lahaayeen hal ama laba ciyaaarood oo laga yaabo inay ka duwanaan lahaayeen. Crystal Palace ayay la ciyaareen, waqti dambe ayaanay la barbarreeyeen, natiijooyinka noocan oo kale ah ayaa loo baahan yahay, waana  waxay sameeyeen“Waxay badiyeen kulamo badan, anigana layaab iguma aha maadaama ay yihiin koox wanaagsan, laakiin waa in aanu hubino in aanu qofna illoobin in anaguna aanu sidoo kale nahay koox wanaagsan.”