Nimco Happy Oo Ka Sheegtay In Filan-Waa Iyo Riyo Ku Noqotay Markii Arrinta Heesteedda Maqashay

Muqdisho (Aftahannews)- Fannaanadda Nimco Happy oo toddodobaadyadii ugu dambeeyay qabsatay warbaahinta caalamka iyo kuwa Soomaalidaba ka dib markii ay qaaday hees la yidhaahdo Isii Nafta ay aad ugu baahday baraha bulshada gaar ahaan TikTok ayaa waxa ay wareysi siisay BBC-da.

Heestaan ayaa waxaa sidoo kale aad u isticmaalay dadka ajaanibta ah ee Isticmaalaha barta TikTok iyadoona dhanka kale la sheegay in xitaa laga daaray maqaayado lagu caweeyo oo caalami ah.

Nimco Happy oo wareysi siisay BBC-da ayaa sheegtay in Abwaan Cadirashiid Caaqilka uu erayada heesta leeyahay ayna sannadkii 2017-kii qaadday iyadoo ay Ciid soo galeyso.

Maalin maalmaha ka mid ah waxaa ii yeedhay abtigay Maxamed Cabdullaahi diiriye (Bulshaadi) oo ah ninka tumay heesta, Cabdimudalib, ninka laxamiista ah iyo ninka heesta iska leh Cabdirashiid Caaqilka, waxayna ii dhiibeen heesta oo ahayd hees jacayl ah anigana waan ka helay.

Nimco ayaa sheegtay in ku dhawaaqista heesta aysan wax caqabad ah ka qabsan maaddaamaa ay heesta ay ku jireen afar luuqadood oo kala duwan.

Nimco oo shakayneysa sida ay ku soo gaadhay heestii afar sannadood ka hor ay qaadday in haatan ay adduunka qabsato ayaa tidhi: “Anigoo gurigeyga fadhiyo waxaa la i tusay muuqaal wiil YouTuber ah oo  odhanaya heestaan waxa ay noqotay heesta ugu daawashada badan.”

Kadibna “Waxaan tusay saygeyga oo aan ku idhi ila eeg, wuxuuna igu jawaabay heestan way  tagtay, waxaan ku idhi maya aniga waxaan ma garanyo, waxayna ila tahay arrin iska caadi ah. Haddana maalin labaad ayuu ii yimid saygeyga oo igu yidhi ‘Heestan ma aragtaa way tagtay’ marka waxay igu noqotay wax la yaab leh oo riyo riyo camal ah.”

“Markaa wixii ka dambeeyay xitaa aniga waxay ila ahayd wax iska caadi ah Balse sayga ayaa isku dayay inuu wax badan iga dhaadhiciyo isagoo igu yidhi ‘Waxaan sugaynaa in lagu soo dalbado,’ waxa uu i fahansiiyay in dad isoo dalbanayaan, shirkado imaan doonaan”.

Tan iyo markii ay si lama filaan ah cirka isugu shareertay heesta lagu naanayso “I Love You More Than My Life” waxaa isa-soo tarayay sheekooyinka ku saabsan sida loo xiisaynayo heestaas oo ka kooban dhowr luqadood oo kala ah Soomaali, Carabi, Ingiriis iyo Sawaaxili.

Waxaa la sheegay in Nimco Happy ay xidhiidho badan la soo sameeyeen shirkado waaweyn oo caalami ah, oo ay ka mid tahay Polydor Records.