Madaxweynaha Maamulka Puntland Oo La Filayo Inuu Isu-sharraxo Madaxweynaha Soomaaliya

Garoowe (Aftahannews)- Warar laga helayo ilo lagu kalsoon yahay oo ka tirsan madaxtooyada dowlad goboleedka Puntland ee Soomaaliya ayaa sheegay in madaxweynaha maamulkaasi uu u sharraxan yahay xilka madaxtinimada ee Soomaaliya.

Weli si rasmi ah madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uma shaacin inuu u tartami doono xilka madaxweynaha Soomaaliya, hasayeeshee waxay wararku shegeayaan inuu ku guda jiro ololihii uu arrintaas uga guul gaari lahaa.

Wararku waxa ay sheegayaan in madaxweynaha dowlad goboleedka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), uu u ololaynayo sidii madaxweynaha Puntland loogu dooran lahaa xilka ugu sarreeya Soomaaliya.

Warkan ayaa soo shaacbaxaya iyadoo maalmahan uu Magaalada Garowe ku sugnaa madaxweynaha Jubbaland, iyadoo la sheegay in labada madaxweyne maamul goboleed ay ka wadahadlayeen arrimaha doorashada.

Muddo dheer ayay socotay hadalhaynta ah in Madaxweyne Siciid Cabdullaahi Deni uu ku hamiyayo inuu u tartamo xilka madaxweynaha Soomaaliya.

Dhowr jeer oo hore ayey burbureen wadahadallo la xiriiray arrimaha doorashada markaas oo labada madaxweyne ee Puntland iyo Jubaland ay ka caga jiidayeen inay galaan heshiis ay ku tilmaameen in dalka uu dhibaato gelin karo.

Haddii musharraxnimada Deni si rasmi ah loo xaqiijiyo waxa uu ku biirayaa diwaanka musharrixiin ka badan darsin oo mar hore shaaciyay inay u tartamayaan xilka madaxtinnimada.

Musharraxnimada Saciid Cabdullaahi Deni ayaa imanaysa xilli la filayo in maalinta Sabtida ah uu magaalada Garowe booqan doono ra’iisul wasaaraha Somalia Maxamed Xuseen Rooble.

Mr Rooble ayaa lagu wadaa inuu madaxda Garowe ku sugan kala hadlo sidii loo dardar galin lahaa arrimaha doorashada oo Axmed Madoobe iyo Siciid Deni ay in badan oo ka mid ah isku aragti ka yihiin.

Ra’iisul wasaaraha ayaa maalmihii la soo dhaafay waxa uu magaalada Dhuusamareeb wadahadallo la xidhiidha arrimaha doorashada uu kula lahaa madaxweynaha dowlad goboleedka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor).

Shalay ayay aheyd markii guddiga doorashada Galmudug uu ku dhawaaqay in 5 kursi oo ka tirsan Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Federaalka ay doorashadoodu ka dhici doonto deegaannadaas.

Xigasho BBC Somali