Xukuumadda Somaliland Oo Taiwan Uga Mahad Celisay Taageerada Iyo Saaxiibtinimada

Hargeysa (Aftahannews)- Qoraal lagu daabacay boga wasaarada arrimaha dibadda Somaliland, ayay xukuumada Somaliland aad ugaga mahad naqday Taiwan xidhiidhka saxiibtinimada iyo taageerada ku dhisan ee ay la leedahay Somaliland.

 

“Xukuumada Somaliland aad ayay Taiwan ugaga mahad naqaysa saaxiibtinimada iyo taageerada, sannadkii lasoo dhaafay inkasta oo ay jirtay saamaynta Covid19, saxiibtinimada Somaliland iyo Taiwan aad ayay ugu faa’iidaysay muwaadiniinta yada” ayaa lagu yidhi qoraalka.
Qoraalka oo sii socda ayaa lagu sheegay in marka laga yimaado caqabadaha aqoonsi la’aanta ah ee haysta Somaliland iyo Taiwan, in labadooduba ku guulaysteen in ay sameeyaan nidaam dimuquraadi ah oo cago adag ku taagan, iyo dhaqaale ku dhisan suuqa xor ta ah, isla markaana qiimaha ay wadaagan ay gun dhig u tahay siyaasadooda.
Xukuumada ayaa Taiwan uga mahad celisay maalgashiga ay ku samaysay beeraha, tiknoolajiyada, tamarta iyo caafimaadka Somaliland, taasi oo qoraalka lagu sheegay in ay fursado cusub iyo shaqooyin u abuurtay reer Somaliland.
Ugu dambayntii waxaa qoraalka lagu sheegay in labada xukuumadood ay sii wadayaan sii horumarinta xidhiidh barwaaqo leh oo ay wadaagaan