Madaxwayne Siilaanyo oo ujeeddo siyaasadeed laba Ganacsade u siiyey Wershadda Korontada Hargeysa

Hargeysa(Aftahannews):- Sida lagu go’aamiyey shir toddobaadkan horaantiisii ka dhacay xarunta Madaxtooyadda Somaliland oo ay ka qaybgaleen labada ganacsade ee Maxamed Aw Siciid Geedi iyo Cumar Caydiid ayaa lagaga dalbaday inay ka odayeeyaan qorshe ay madaxtooyadu doonayso oo lagu qancinayo inuu guddoomiye xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo isagu dhawaan ku dhawaaqay inuu isku sharaxayo doorashadda madaxwayne-nimada ee shanta sano ee danbe inuu uga tanaasulo madaxwayne Siilaanyo, kuwaas oo madaxwayne Siilaanyo ka dalbaday inay Muuse Biixi ku qanciyaan inuu tanaasulo.

Kulankan ayuu Madaxwayne Siilaanyo sidoo kale taa badelkeeda abaal-gud u siiyey labadan ganacsade Warshada Laydhka  dawladda ee magaaladda Hargeysa oo uu hore Maxamed Aw Siciid ugu deeqay laba Mishiin oo ka mid ah kuwa imika ay isticmaasho maadaama oo ay hore u fadhiisteen saddex ka mid ah mishiinadii ay hore warshaddaasi dabka uga dhalinjirtay.

Sidoo kale Maxamed Aw Siciid iyo Cumar Caydiid ayaa iyagu ah labada ganacsade ee dhaqaalaha ugu badan ku bixinaya Musharaxnimada guddoomiyaha Kulmiye Muuse Biixi Cabdi oo mudo dheer Mus-danbeed u ahaa hankiisa Madaxwayne-nimo ee uu ku taamayey mudo dheer.

Ganacsatadan lagu wareejiyey Warshadda Korontada Hargeysa ayaa la filayaa inay maalmaha soo socda abaabulaan shir-doceedyo lagu dhaqaajinayo rabitaanka Madaxwayne Siilaanyo ee uu ku doonayo in geed lagaga xidho Muuse Biixi oo cabsi badan oo siyaasadeed galiyey hankiisa musharaxnimadda shanta sano ee danbe oo noqonaysa mid kala jabisay beelihii taageerada wayn u muujiyey xisbiga Kulmiye doorashadii u danbeysay ee 2010-kii.

Dhinaca kale waxa la is-waydiinayaa meesha uu Madaxwayne Siilaanyo iska sharaxi doono, iyada oo ay jiraan warar sheegay qorshe uu ku samaynayo Isbadal u saamaxaya inuu isku soo taagi karo doorashadda madaxwayne-nimada shanta sano ee danbe loogu saxmayn lahaa Distuurka Qaranka, maadaama oo xaalad caafimaad iyo da’ ahaanba aanay u saamaxaynin inuu doorasho danbe u ordo.

Xigasho Haatuf.net.