Siyaasiyiin, Cuqaal iyo Wax-garad Cambaareeyay Xadhiga Masuuliyiinta Haatuf

“Xadhiga Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Axmed Cali  waxaanu u aragnaa xukun la gaadhay, iyadoo aan laga garsoorin Dacwada loo haysto”.

“Madaxweyne ma Ashkhaas Qoyskaaga ka tirsan iyo Wasiirro isku halayn kaa qaba ayaad sharciga Waddanka ka dooratay?” Beyaan Beesha Tol-jecle

Hargeysa(Aftahannews):- Xubno ka mid ah Cuqaasha, waxgaradka , aqoonyahanka, Salaadiinta iyo dhamaan qaybaha kala duwan ee Bulshada Beesha Axmed Sheikh Isaxaaq (Tol-jecle), waxay maalmihii ugu dambeeyay kulamo iyo shirar gooni-gooni ah ku  yeesheen Magaalada Hargeysa ee Caasimada Somaliland.

haatuf1-300x202

Shirarkaasi waxay beeshu kaga arinsatay  Xaaladaha ugu dambeeyay ee dalka ka dhacay, siiba xadhiga iyo ku xad-gudubka Suxufiyiinta  ku xidhan Xabsiga Gabiley ee Wargeyska Haatuf iyo Somaliland Times iyo Xayiraada Wargeyskaas la saaray, iyadoo uu  hore u xayiranyahay Wargeyska  kale ee Hubaal,kaasoo aanay ilaa hada dawladdu caddeynin Dambiga loo haysto ee uu u xayiranyahay.

Aqoonyahanka iyo Waxgaradka waxay hoos ugu daadegeen,una daraaseeyeen , sababta kaliftay, ka dambeysa ama looga danleeyahay xad-gudubyada noocan ah ee lagu hayo Saxaafadda, waxaanay dhego nugul iyo indho fiiqan ku eegeen dhaliilaha sharci ee ka muuqda habka loo maray Dacwada Wargeyska Haatuf iyo xadhiga masuuliyiintiisa.

Dood iyo falan qayn dheer ka dib, waxay dhinacyada kulamadaasi ka qayb-galay soo saareen Bayaan ka kooban toban qodob, kaasoo u dhignaa sidan:

1.       Cuqaasha, Waxgaradka, Aqoonyahanka iyo siyaasiyiinta beeshu waxay si kulul u cambaareynayaan Xadhiga Masuuliyiinta wargeyska Haatuf, oo kala ah Guddoomiyaha Wargeyskaas Yuusuf Cabdi Gaboobe iyo Tafaftiraha   Axmed Cali Cigge.

2.       Waxaanu si cad u dhaliilaynaa nidaamka loo maray Dacwada Wariyeyaashan oo ah mid meel ka dhac ku ah Shuruucda iyo nidaamka innoo degsen ee dawladnimaddeenu ku dhisantahay,meeshana ka saaraysa jiritaanka xoriyadda Mawaadiniinta iyo xuquuqda hadalka (Xorital Qawlka) ( Freedom of Expression ).

3.       Waxaanu u aragnaa in go’aanka xadhiga Wariyeyaasha la gaadhay “xukunka ka hor dhegeysiga Dacwada loo haysto, taasoo caddeynaysa cadaalad daro iyo sharci ku tumasho halkii ugu saraysay, wax loola hadhayna aanay jirin qawaaniintii dalka, mar hadii qof Eeddeysane ah la xukumayo iyadoo aan laga Garsoorin dambiga lagu soo oogay.

4.       Waxaanu dawladda u sheegaynaa inaan loo sii dulqaadan Karin hab-dhaqanka noocan ee lagula dagaalamayo indhaha iyo dhegaha Bulshada iyo shuruucda.

5.       Waxaanu dawladda ka dalbanaynaa in si dhakhso ah oo shuruud la’aan ah Xoriyadooda loogu soo celiyo Suxufiyiinta Xidhan, hadii dambi lagu hayona iyagoo xor ah Dacwaddooda la dhegeysto.

6.       Mar kale iyo mar saddexaadba waxaanu ku baaqaynaa in dhegeysiga Dacwadan loo maro Xeerka u degsan Saxaafadda iyo Xeerka Dacwadaha Medeniga ah, annagoo si cad u durayna in dacwadan lagu saleeyo ama lagu qaado xeerka Ciqaabta Guud.

7.       Waxaanu ka warqabnaa inay dacwada Nimankan loo hayso ay dhibaneyaal ka yihiin Niman Wasiirro ah iyo ashkhaas aan Dawladda xil muuqda ka haynin oo hadana ka dhex muuqda, taasoo mugdi gelinaysa Milgaha dawladnimada iyo Maamuska Madaxweynaha Qaranka oo dadka dacweynaya wariyeyaashu qoyskiisa ka tirsanyihiin.

8.       Waxaanan leenahay Mudane Madaxweyne ma ashkhaas Qoyskaaga ka tirsan iyo dhawr Wasiir oo qaarkood xilalka ay hayaan isku halayn dhankaaga ahi u dheertahay ayaad ka door biday Shuruucdii iyo dawladnimadii laguu doortay afar sanadood ka hor. Hadii ay jawaabtaadu tahay haa” . kaa yeeli mayno inaad Dalka u xukunto sidii nidaamkii Kelitaliska ahaa ee Siyaad Barre, waxaana dadku qaadi doonaan wixii la gudboon hadii dawladdaadu cadalaad darada noocan ah sii waddo.

9.       Annagoo sii tahkiidinayna baaqyada hore ee xadhiga Suxufiyiintan iyo Xayiraada warbaahinta laga soo jeediyay, waxaanu ka digaynaa in layska dhego tiro dhegeysiga Dhawaaqyada annaga iyo Bulshada qaybaheeda kale ka soo yeedhaya oo la dhayalsado.

10.   Hadii aad dhego u yeelan waydaan dhambaalada ka soo baxaya daneeyayaasha xoriyal-qowlka  ee gudaha iyo dibada, kuna sii dhegsanaataan go’aanka Maxkamaddu ku xidhay Axmed Cali Cige iyo Yuusuf Cabdi Gaboobe, dawladda iyo dadka aan xilalka Qaran haynin ee Aqalka Madaxtooyada ka soo dacwooday ayaa ka masuul ah wixii Mushkilad ka yimaada arrintaas.

Alla Mahad leh

 Cuqaasha, Aqoonyahanka, Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka bayaanka soo saaray:

1-Cheif Caaqil Ahmed Ibrahim Bookh

2- Cheif Caaqil siciid Muxumed Nuur

3- Cheif Caaqil Xasan Osman khayre

4-Cheif Caaqil abiib Ibraahim Bulaale

5- Cheif Caaqil Xasan Abdilahi (Xasan Dhabe)

6- Cheif Caaqil Maxamed Aw Cismaan

7-Chief Caaqil Cabdi Axmed

8-Caaqil Axmed Aw Ibrahim Jama

9- Oday Muumin Diiriye Ardaale

10-Caaqil Cumar Caalin Xirsi

11-Caaqil Cabdi Xassan Kaahin

12-Caaqil Maxamed Maxamuud Muuse

13-Caaqil Cabdicasiis Cabdi Siciid

14-Caaqil Maxamed Cilmi Geedi

 15-Caaqil Maxamed Cige Khayre

16-Muj. Muuse  Laan-gadhe

17- Ganacsade Xasan Cabdilaahi

18- Siyaasi Axmed Xasan

19-siyaasi hore, Maxamed Jaamac

20-Siyaasi Maxamed Xasan Daahir

21- Yacquub Cabdilaahi  (Dhalinyarada/aqoonyahanka)

22- Yoonis Maxamed Yoonis (Dhalinyarada).

23- Maxamed Axmed Qaalib (Waxgarad)

24- Cabdicasiis Mawliid Nuur (Dhalinyaro)

25-Ganacsade Maxamuud Axmed Warsame

Iyo xubno kale oo tiro badan.

aftahaninc@gmail.com

Aftahannews.com

Hargeysa/Somaliland.