Boqor Buurmadow: “Baydhaba waxaan u Tagayaa si aan u soo Raalligeliyo Dadkii laga soo Mastaafuriyey Somaliland..”

Hargeysa (Aftahannews)- Boqor Cismaan Aw Maxamuud (Buurmadow) oo kamid ah madax dhaqameedka Somaliland, oo maalmihii u danbaysay ku sugnaa magaalada Muqdisho, ayaa sheegay in uu Baydhabo tagayo, si uu reer  Koonfur-galbeed uga raali-galiyo tarxiilkii ay xukuumada Somaliland kaga saartay ciideeda.

Buurmadow ayaa sheegay in isaga iyo madax-dhaqameed kale, ay u safrayaan magaalada Baydhabo ee xarunta maamulka Koonfur-galbeed Soomaaliya, si ay raaligalin uga bixiyaan tarxiilka.