Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani oo loo Doortay Hoggaan Cusub

Hargeysa (Aftahannews)- Shirwaynihii labaad ee xisbiga mucaaradka Somaliland ee Waddani oo lagu soo gaba gabeeyay magaalada Hargaysa, ayaa Xirsi Xaaji Cali Xasan loogu doortay guddoomiyaha xisbiga Waddani, waxaana la doortay 6 guddoomiye ku xigeen iyo xogeeye.

Guddoomiye ku xigeenada la doortay ayaa kala ah Axmed Cumar X. Cabdillaahi (Xamarje), Abuubakar Cabdiraxmaan Good, Marwo Milgo Maxamed Cilmi, Xuseen Cabdi Boos, Saleebaan Ducaale Jaamac, Maxamed X. Yuusuf Waabeeye. Sidookale, Khadar Xuseen Cabdi, ayaa dib loogu doortay xogeeyaha xisbiga.

Guddoomiye Xirsi ayaa kadib markii la doortay hadal uu jeediyay ku sheegay in uu leeyahay aqoon iyo khibrad maamul, isla markaana uu xisbiga u hogaamin karo si habsami ah uu ku dhisan khibrad iyo waayo aragnimo“Waxan aaminsanay in aan aqoon ahaan iyo khibrad ahaanba u diyaarsanahay hogaaminta xisbigan iyo hay’ad kasta oo kawaynba, waxaana halkan fadhiya odayaashi iyo qoorwayntii xisbiga ee aanu soo wada shaqaynay oo maanta qiyaasi kara kartidayda iyo awoodayda, taasoo aan filayo in ay keentay dhacdadan maanta aad igu doorateen”

Marwo Milgo oo ah gabadha qudha ee ku jirta hogaanka xisbiga ayaa iyaduna waraysi ay siisay muuqbaahiyaha Somali Cable ugu mahad celisay musharaxa xisbiga Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi Cirro, oo ay sheegtay in uu sabab u ahaa doorashadeeda.

Guud ahaanba waxaa is badalay hab dhismeedkii xisbiga Waddani waxaana meesha ka baxay jagooyin horay xisbigu uu u lahaan jiray, sida jagada hogaamiyaha xisbiga oo horay uu Xirsi u hayay iyo jagada hogaamiyaha kumeel gaadh ka ah oo uu horay Cabdiqaadir Jirde u hayay.