Fannaanadda Sahra Ilays oo Hees ay u Qaadday Xisbiga Waddani looga Eryey Shaqadeedii Ciidannimo

Hargeysa (Aftahannews)- Fannaanadda Sahra Axmed Cabdillaahi (Sahra Ilays), oo ka mid ah fannaaniinta ciidanka qalabka sida ee Somaliland, ayaa sheegtay in shaqadii ay ciidanka u haysay laga joojiyay kadib, markii lagu eedeeyay in ay ka heestay shirweynaha labaad xisbiga mucaarad ka ah ee Waddani.

“Anigu waxan ka tirsanahay Ciidanka Qaranka Somaliland, markaa saaka la ii yeedhay oo laygu yidhi Sahray maadaama oo aad u heestay Waddani shaqadii waanu kaa joojinay” Sahra Ilays ayaa hadalkaa ka sheegtay maalinta labaad ee shirwayne xisbiga Waddani oo ka socday hotelka Maansoor ee Hargaysa.

Sahra Ilays ayaa sheegtay in ay horay ugu heestay xisbiga Kulmiye, maantana ay u heesayso xisbiga Waddani, isla markaana, Waddani iyo Kulmiye ay yihiin laba xisbi oo siman, waxayna sheegtay in anay horay u ahayn xisbi gaar ah lakin, ay maanta xisbiga Waddani ku biirtay madaama oo shaqadeedi looga eryay in ay u heestay.

“Kulmiye iyo Waddani dee waa laba xisbi, Kulmiye na shalay waan u heesayay maantana waddani waan u heesayaa oo isna waa xisbi, anigu fannaanad qaran baan ahay xisbina ma ihi lakiin maanta xisbi ayaan noqday oo waxa la i yidhi madaama oo aad Waddani ku biirtay shaqadii waanu kaa erinay” ayay tidhi Sahra Ilays.

Sahra ayaa sheegtay in ay jeceshahay ciidanka, isl markaana ay u heesi doonto hadii ay kasii mid ahaato iyo hadii ay xisbi ku biirtaba “ciidankayga waan jeclahay oo hadaan xisbiga ku jiro iyo hadaan ciidanka ku jiraba ciidankayga waan u heesaya”.

Sahra Ilays ayaa hees ruxday taageerayaasha xisbiga Waddani ka qaaday shirwaynaha labaad ee xisbiga Waddani oo shalay ka furmay hoteelka Maansoor ee magaalada Hargaysa.