Guddoomiye Cirro Oo Shirweynihii Labaad Ee Xisbiga Waddani Kaga Dhawaaqay Inuu Ka Tanaasulay Musharraxnimaddii Guddoomiyenimo

Hargeysa, (Aftahannews)-Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi ayaa qaatay go’aan taariikhiya,kaas oo ah mid uu ku banneeyey kursiga Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI,taas oo dad baddani ay soo dhaweeyeen,isla markaana noqonaysa tallaabo aan hore loo qaadin nooceeda

Guddoomiyayaasha Xisbiyadda Somaliland,ayaa inta baddan ahaa qaar marka ay ku guulaystaan kursiga Madaxweynaha uun bannayn jiray kursiga Guddoomiyaha Xisbiga, haseyeeshee Guddoomiye Cirro isagu jeexay jidkaas ka duwan waxaanu ku dhiirada inuu banneeyo kursiga Guddoomiyaha Xisbiga,isla markaana uu noqdo keliya Musharrax Madaxweyne ee Xisbiga WADDANI.

Guddoomiye Cirro oo G’aankaa taariikhiga ah ee uu qaatay ka hadlay ayaa haddalkiisa ku bilaabay sidan “Annigu waxa aan Guddoomiyaha Xisbigan noqday 2012kii xiligaas oo shahaadada xisbinimo la siiyey xisbiga WADDANI, Muuse iyo Faysal labaduba way iiga horreeyeen xilka Guddoomiyaha Xisbiyada, da’ahaanna labaduba waa ay iga weyn yihiin, hase yeeshee,  annigu waxa aan maanta Shirweynaha 2aad ee Xisbiga WADDANI  hortiisa kaga dhawaaqayaa in aan ka hadhay in aan u tartamo mar 2aad xilka Guddoomiyaha Xisbiga WADDANI, ahayna musharax u taagan una tartamaya xilka Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland ee doorashada Madaxtooyada JSL ee November 13, 2022.

Waxaan jecelahay  inaan xuso ama sheego qaar ka mid sababaha aan u tartankan Guddoomiye-nimada Xisbiga uga hadhay: 

1.In aan aabuuro is aaminaad siyaasadeed iyo axsaab la wada-leeyahay oo aan  deegaan gaar ah iyo qof gaar ah ku suntanayn.

2.In aan bilaabo sunne cusub oo ah in Gudoomiye xisbi ku dhaco inuu wareejiyo xilka gudoomiyaha isaga oo weli haakah odhan oon madaxweyne noqon.

3.In aan fursad siiyo in dhallinyaradu qaban karto xilalka ugu sarreeya Xisbiga oo uu ka mid yahay xilka Guddoomiyaha Xisbigu.

4.In la beddelo lanana tirtiro dhaqanka beelo gacan isu dhiibka ee siyaasadda.

5.In la dhiso oo la adkeeyo lana aamino hannaanka xisbinimada ee dalkeenna ka hirgalay.

6.In sunaha aan maanta bilaabay  noqon mid anniga igu koobma oo keliya , balse, Gudoomiyaha igu xigaana uu dhaqankaaas qori isu dhiibka ah halkaas ka sii wado taas oo dhiiri geli weyn u noqon doontaa kaadirka xisbiga WADDANI.

  1. In aan abuuro dhaqan siyaasadeed wanaagsan oo ay inagaga daydaan Xisbiyada kale ee inaga da,weyni hal-abuurkan iyo kaalintan aan ku soo kordhiyey siyaasadda Jamhuuriyadda Somaliland.