Xukuumadda Oo Wasiiro Ka Tirsana Xukuumadii Siilaanyo Ku Eedeeyay In Ay Sir Qaran Faafiyeen

Hargeysa,(Aftahannews)- Xisbiga talada Somaliland haya ee Kulmiye ayaa wasiiradii hore ee madaxtooyada Somaliland ku eedeeyay in ay iyagu faafiyeen waraaqo baraha bulshada lagu baahiyay oo caddaynaya daymo ay xukuumadii Siilaanyo ka dalbatay shirkado iyo hay’addo kala duwan.

Afhayeenka xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Muxumed Xasan Buuni oo waraysi gaar ah siiyay muuqbaahiyaha Horyaal, ayaa wax laga murugoodo ku tilmaamay waraaqaha xogta madaxtooyada Somaliland ee la faafiyay, isagoo sheegay in ay tahay danbi qaran oo ay ciqaabi ka ratibmayso.

“Waxan shacbiga reer Somaliland uga tacsiyadaynayaa warqadahah sirtii qaranka ah ee lagu faafiyay baraha bulshada, maaha wax aayar uun laga sheekeeyo ee waa danbi qaran oo ay ka ratibmayso ciqaab adag oo ay mutaysan doonto cidii waxaa samaysay, waxaana nu u sheegaynaa shacbiga Somaliland in arrintaas baadhis xooglihi ku socoto” ayuu yidhi Buuni.

Buuni ayaa wasiiradii wakhtigii Siilaanyo madaxtooyada ka shaqayn jiray ku eedeeyay in ay iyagu waraaqaha sirta ah sii qaateen isla markaana ay baahiyeen.

“Warqado la siiqaataana waa masuuliyad darro waxayna maanta tilmaamaysa in shacbigu noo garaabaan oo kuwii shalay la lahaa Kulmiye ayay dhiseene maxaa wax loogu dhiibi waayay waxaa aad maanta arkaysaan oo dhan ayaanu arkaynay, wasiiradii xukuumadii hore ee madaxtooyada iskaga danbeeyay waxa ay ahaayeen wala garanayaa” ayuu yidhi Buuni

Buuni ayaa wasiiradii hore ee madaxtooyada Somaliland soo maamulay wakhtigii Siilaanyo ku eedeeyay in ay xogtan u baahiyeen si ay magacdil ugu gaystaan madaxweyne Siilaanyo, isagoo sheeegay in ay horayna bugaag aflagaado ah uga qoreen silaanyo.