Suudaan Oo Markale Qarka U Saaran Inuu Ka Dhaco Afgambi Milateri Iyo Shacabka Oo Cabsi Soo Wajahday

Sudaan (Aftahannews_=Wararka ka imaanaya wadanka Suudaan ayaa sheegaya in raysal wasaarahii dalkaasi Cabdalla Xamduuk la galiyay xabsi guri sida uu baahiyay Tv-ga Alxadath ee dalkaasi.

Wararka waxay intaasi ku darayaan in ciidamo ka tirsan militariga dalka Suudaan ay isku gadaameen guriga raysal wasaare Cabdalla Xamduuk, waxaana dadka la xidhay ka mid ah xubno ka tirsan golaha sare ee Xukuumadda dalka iyo la taliyahii arrimaha warbaahinta ee xafiiska Raysal wasaare Cabdalla Xamduuk.

Wariyeyaasha ku sugan dalka  Suudaan ayaa ku soo waramaya in is-gaadhsiinta dalkaas ay xadidan tahay taas oo muujinaysa xaaladda qalafsan ee uu galay wadanka Suudaan.

Wadanka Suudaan ayaa wajahaya xaalad cakirnaan siyaasadeed ah tan iyo wixii ka dambeeyay markii xukunka laga tuuray madaxweynihii dalkaas Cumar Albashiir bishii Abriil ee sannadkii 2019-ka.

Bishii hore ayay aheyd markii qaar kamid ah militari Suudaan ay isku dayeen af-gembi militari inkastoo uu fashilmay isku daygaasi lagu doonayay afgambiga.