Waa Kuma Madaxweynihii Hore Ee Mareykanka Ee Xafiiskiisa Dhigtay Kitaabka Quraanka Ah?

Hargeysa (Aftahannews)- Nuqul Quraan oo naadir ah oo lagu turjumay luuqadda Ingiriiska oo uu lahaa madaxweynihii saddexaad ee Maraykanka Thomas Jefferson ayaa lagu soo bandhigayaa carwada Dubai Expo 2020.Waa markii ugu horreysay ee nuqulkan la geeyo meel ka baxsan dalka Mareykanka tan iyo qarnigii siddeed iyo tobnaad.

Waxaa turjumay George Sale oo u dhashay Ingriiska kaas oo ku takhasusay barashada luuqadaha iyo dhaqannada kala duwan.Nuqulka kitaabka Qur’aanka waxaa loo wareejiyay Dubai isagoo ku jira sanduuq alwaax ah oo ay ku xiran yihiin qalab lagu ilaalinayo, waxaana la socday shaqaalaha maktabadaha, iyo sugaya ammaankiisa. “sida lagu sheegay war -saxaafadeed laga soo saaray Expo 2020 Dubai.

Jefferson wuxuu madaxweyne ahaa 1801 ilaa 1809 waxaana la rumaysan yahay inuu danaynayey inuu xidhiidh wanaagsan la yeesho dunida Muslimka, sababo badan awgood, oo ay ka mid tahay in Morocco ay ahayd tii ugu horraysay ee aqoonsatay madaxbannaanida Maraykanka sannadkii 1777kii.

Tixraacyadu waxay tilmaamayaan in Jefferson uu qaabilayay martidiisii ​​diblomaasiyiinta ee Muslimka ahaa si uu ula afuro bisha Ramadaan”Inkasta oo aannu had iyo jeer si sax ah u fahmin diinta Islaamka intii uu ku jiray noloshiisa siyaasadeed, haddana wuxuu u doodi jiray xuquuqda siyaasadeed ee Muslimiinta, wuxuuna sheegay inuu daneeyay diinta Islaamka, Qur’aankana uu yahay kitaab sharci ah, waa uu ka duwanaa ‘inta badan Masiixiyiinta Galbeedka waqtigaas marka loo eego fahamka Qur’aanka , “ayuu yiri Spielberg oo ahaa qoraa gaar u ahaa madaxweynaha oo bixiyay wareysi hore oo saxaafadeed ka hor inta usan dhiman.

Waxay u badan tahay in Jefferson uu xiisaynayay Qur’aanka marka laga hadlayo dhisidda xidhiidhka diblomaasiyadeed, iyo fahamka caadooyinka iyo nolosha Boqortooyadii Cusmaaniyiinta iyo Waqooyiga Afrika.