Kooxaha Liverpool Iyo Realmadrid Oo Garaacay Dhiggoodda Kooxaha Man.United Iyo Barcelona

Kooxda kubadda cagta Liverpool ayaa murugaysan kaddib guushii weynayd ee ay ka soo gaadhay Manchester United oo ay ku soo garaacday 5-0 iyadoo marti ugu ahayd Old Trafford.

Liverpool ayaa sii wadata rikoodhkeeda cajiibka ah ee xilli ciyaareedkan waxaanay tahay kooxda kaliya ee Premier League ee illaa hadda aan wax guul darrooyin ah kala kulmin dhamaan tartamada.

Naby Keita, Diogo Jota iyo Mohamed Salah ayaa dhaliyey shanta gool ee ay ku bahdileen Manchester United, waxaana saddex ka mid ah magaciisa ku qoray Mohamed Salah.

Dhinaca kale, Kooxda kubadda cagta Real Madrid ayaa 2-1 kusoo garaacday Barcelona oo ay marti ugu ahayd Camp Nou, waxaanay diiwaangashatay guushii saddexaad ee xidhiidh ah ee El Clasico muddo nus qarni ku dhow.

David Alaba ayaa hoggaanka u dhiibay Real Madrid qaybtii hore, isaga oo kubbad awood badan dhaafiyey goolhaye Ter Steven kaddib fursado ay labada kooxood iska khasaariyeen, ka hor intii aanay dhamaadka qaybta labaad laba gool oo degdeg ah iska dhalin labada kooxood.