Macallinkii Siyaasadda, Maxamud Xaashi wuxuu inna baray Casharka Doorashadii Shirguddoonka iyo Doorkii Xulista Xildhibaannada

Maxamuud Xaashi Cabdi
Maxamuud Xaashi Cabdi
Siyaasi Maxamud Xaashi Cabdi waxa uu bulshada Somaliland baray Cashar kooban oo tusaale ah kaasi oo ahaa doorkii siyaasadeed ee uu ka qaatay doorashadii Shir-gudoonka Somaliland,  waxa uu ahaa loolan iyo laacdan wayn oo uu maskaxdeeda wax weyn ku lahaa isla markaana uu labada xisbi mucaarad iyo garabkiisu isk kaashadeen, waxa uu door weyn oo muuqda kulaa shaxdii uu ku guulaystay Gudoomiye abdirisak Khalif shirgudoonka  oo ay wateen isbahaysiga mucaaridku,, isla markaana ku hanteen mucaaradku hogaanka Baarlamaanka Somaliland.
Maxamuud Xaashi Cabdi
Maxamuud Xaashi Cabdi
Siyaasi Maxamud Xaashi Cabdi, waxa uu si badheedh ah uga soo horjeestay xisbigisi kulmiye isagoo masraxa siyaasada SL ku soo bandhigay farsamo heersare oo lagu saleeyay dhowr dhinac loo dheeli tiray sida gobolada,beelaha iyo asxaabta kala duwan , kuwaas oo marka wadar ahaan laysku daro oola is wafajiyo noqon kara tiro fiican oo lagu qabsan karo hogaanka shirgudoonka Baarlamaanka,
Naqshada uu farsameeyay Maxamud Xaashi Cabdi, waxa uu isbahaysiga mucaaridka u balan qaaday in fulinteeda iyo ka shaqaysiinteedaba uu la fulin doono, dhamaantoodna iyada oo cadaana ayuu keenay indhaha bulshada Somaliland,  waxanay noqotay mid si weyn bulshada mucjiso ugu noqotay
Maxamud Xaashi Cabdi oo intii Somalilnad jirtayba ku soo jiray siyaasada guud ee Somaliland, waayo aragna u ahaa sooyaalkii siyaasadeed ee dalku soo maray, waxa uu fahan guud iyo mid gaar ahba ka haystaa waaqica ay ku sugan yihiin bulshada Somaliland, waana sababaha keenay in uu ku guulaysto shaxda iyo qorshaha siyaasadeed ee uu dhigaa,
Maxamud Xaashi mudadii dheerayd ee uu ku jiray siyaasada Somaliland waxa uu macalin u noqday dhalinyaro badan oo uu ku soo daray siyaasada, kuwaas oo maanta meel wacan kaga jira golayaasha dawlada iyo xukumadaba, waxanu dhamaantood ku qiimeeyay in ay noqon karaan dad masuuliyad u qaban kara bulshada, waana hibo uu dheer yahay siyaasiyiinta kale ee ay isku lodka yihiin
Casharada kale ee Maxamud Xaashi Cabdi uu bulshada Somaliland baray waxa ka mid ah qaabkii iyo xulistii Xildhibaanada Baarlamaanka ee Beesha uu ka soo jeedo ee Habarjeclo , oo ay usoo baxeen 19 Xildhibaan taasi oo iyana ahayd dhacdo taariikhi ah, qaabka farshaxanimada ah ee uu u kala reebay Xildhibaanadii Beesha Habarjeclo iyo sidii uu ugu kala qaybiyay xisbiyada in ay uga tartamaan ayaa ka mid ah calaamada hogaamineed iyo siyaasadeed ee lagu arkay Maxamud Xaashi Cabdi taasi oo uu bulshada horteeda keenay markhaatina looga noqday.
Doorashadii Gudoomiye ku-Xigeenka Xisbiga Kulmiye ee Muuse Biixi Cabdi iyo Ibrahim Dhegoweyne Sanadkii 2008.
Sanadkii 2008 shirweynihii Xisbiga Kulmiye ee lagu qabtay Hotel Ambassador waxa lagu dooranaayay Gudoomiye ku xigeenka 1aad ee Xisbiga kulmiye waxana u tartamay laba siyaasi oo ka tirsanaa xisbiga Kulmiye kuwaas oo kala ahaa
1.      Muuse Biixi Cabdi
2.      Ibrahim Cabdilaahi Xusen (Dhegaweyne)
Ergada shirweynaha Xisbiga Kulmiye iyo siyaasiyiintii hogaanka u hayay xisbiga Kulmiye waxa ay xulashada ku salaynaayeen sidii ay cod uga heli lahaayeen Beesha Habar Awal, waxana labada musharax ee jagada isku soo sharaxay lagu kala xulanaayay, ninka beeshiisa cod uga keeni kara Xisbiga Kulmiye waxana cod aqlabiyad ah lagu doortay Muuse Biixi Cabdi in uu noqdo gudoomiye ku xigeenka 1aad ee xisbiga Kulmiye ,maadama beesha uu ka soo jeedo ee Sacad Muuse aanay xil ka hayn Madaxtooyada Somaliland  iyo Xisbiga UDUB, waxana Ibrahim Dhegaweyne lagu dooran waayay maadama beesha uu ka soo jeedo ee Ciise Muuse ay lahaayeen Madaxweyne ku xigeenka iyo gudoomiye ku xigeenka Xisbiga UDUB, waana qorshe sax ah oo lagu kala hanto codadka beelaha siyaasiyiinta, sidaasi daraadeed maanta Xisbiga Wadani waxa horyaala cashar la mid ah kii uu soo maray Xisbiga Kulmiye ee ay ku kala xusheen siyaasiyiinta iyo hogaanka Xisbiga si ay cod uga helaan beelaha iyo bulshada,  sidaasi daraadeed Xisbiga Waddani waxa guushiisu ku xidhan tahay sida ay hogaanka Xisbiga Waddani uga qayb geliyaan Siyaasiga reerkiisa wata ee Maxamud Xaashi Cabdi
Doorashadii Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka ee Xisbiga Kulmiye  Sanadkii 2009
Sanadkii 2009 xisbiga Kulmiye waxa uu shirweynihiisii golaha dhexe ku qabsaday magaalada Burco ee Xarunta Gobolka Togdheer, waxana lagu dooranaayay Musharaxa Madaxweyne ku xigeenka ee Xisbiga kulmiye uga qayb geli lahaa doorashada madaxtooyada ee 2010, waxana isku soo taagay laba masuul oo ka tirsanaa xisbiga Kulmiye kuwaas oo kala ahaa:
1.      Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici)
2.      Cabdiraxmaan Aw Cali Faarax (Tolwaa)
Ergadii ka qayb gashay shirweynaha gollaha Dhexe ee Xisbiga Kulmiye waxa ay diirada saareen ninka beeshiisa cod uga keeni kara Xisbiga Kulmiye gobolka Awdal, waxana cod aqlabiyad ah lagu doortay Cabdiraxmaan Saylici maadama beesha uu ka soo jeedo ee Maxamed Case aanay wax xil ah ka hayn hogaanka sare ee Xisbiga UDUB iyo madaxtooyada Somaliland, Cabdiraxmaan Tolwaa beesha uu ka soo jeedo ee Makaahiil waxa ay hayeen Madaxweynaha Somaliland oo uu ahaa Daahir Rayaae Kaahin iyo sido kale gudoomiyaha Xisbiga UDUB sidaasi daraaadeed beesha Cabdiraxmaan Tolwaa xisbiga Kulmiye wax cod ah kama heli karo, waana sababta loo doortay Cabdiraxmaan Saylici,
Hadaba maanta Xisbiga Waddani waxa la haboon in ay qiimeeyaan awooda siyaasadeed iyo codka ay ka heli karaan Maxamud Xaashi Cabdi iyo beeshiisa Muuse Abokor oo haatan diyaar ah, waxana masuuliyiinta Xisbiga Waddani ku fiican in ay hogaanka sare ee Xisbiga Waddani ku daraan siyaasi Maxamud Xaashi Cabdi si ay cod buuran uga helaan Beesha Muuse Abokor
Xisbiga Waddani maanta waxa hor yaala cashar ay ku guulaysan karaan sido kalena ay ku guul daraysan karaan hadii ay miisaan kala saari waayaan siyaasiyiinta beesha Habar Jeclo ee hungurigu ka hayo hogaanka sare ee Xisbiga Waddani
1.      Maxamud Xaashi Cabdi
2.      Xirsi Cali Xaaji Xasan
Waxa maanta lagu kala qiimaynayaa ninka haysta taageerada beeshiisa iyo sido kale siyaasiga aanay beeshiisu xulafo siyaasadeed la ahayn xisbi kale oo ku xisaab tamaaya codka Beesha,
Cabdiraxmaan Cirro iyo Beeshiisu waa in ay ku xisaabtamaan sida ay ku heli karaan codka oo buuxa Beesha  habarjeclo isla markaana rajadoodu waxa ay ku xidhan tahay doorashada Madaxtooyada ee soo socota
W/Qoray. Maxamed Cabdikariim Siciid
Hargeysa/Somaliland.