Xukuumadda Kulmiye Oo Iska Foggaysay In Arday U Xidhan Yihiin Mudaharaadkii Ka Dhacay Dugsiga Sarre Ee Faarax Oomaar

Hargeysa, (Aftahannews)-Afhayeenka Xisbiga Kulmiye Cabdinaasir Buuni, oo u jawabaya guddoomiyaha xisbiga Waddani Cabdiraxman Maxamed Cabdillaahi (Cirro), oo xukuumada ugu baaqay in ay sii dayso qaar kamid ah ardayda dugsiga sarre ee Faarax Oomaar, oo 16 bishan la xidh xidhay kadib, mudaharaad ay dhigeen, ayaa sheegay in ardaydaasi lasii daayay.
Buuni ayaa sheegay in qadiyada ardayda la xidhay ay ahayd arrin maamul, isla markaana masuuliyadeeda ay leedahay wasaarada waxbarashadu.


“Qoraalka guddoomiye Cirro ku baahiyay warbaahinta ee la xidhiidha ardayda Faarax Oomaar, waa arrin maamul oo iyaga iyo maamulahooda ka dhaxaysa, isla markaana, marjaca ay noqonayaan ay tahay wasaarada waxbarashada, waa dhacdooyinka maalinkasta dhaca haday tahay arrin arday iyo baayac-mushtar, baraha bulshada ayaana sahlay in si hala dadku ku ogaadaan” ayuu yidhi Buuni.

Buuni ayaa ardayda ku eedeeyay in ay sharciga gacmaha ku qaateen, isla markaana sharciga la mariyay, cidkasta oo sharciga ku xad gudubta sharciga la marinayo.

“Waxa ayaan darro ah in ardaydaasi ay sharciga gacanta ku qaateen, isla markaana ay rabshad sameeyeen, marka rabshadaha caynkaasihi dhacaan wuxuu sharcigu waajibinayaa, in booliiska oo ah saxbka dadwaynaha ahi uu ka hortago isla markaana qabto, ardayduna sidaa uun bay lamid ahaayeen, cidkasta oo sharciga gacanta ku qaadataana waxay wajahaysa sharciga” ayuu yidhi Buuni.

Buuni ayaa beeniyay hadalka Cirro isaga  oo sheegay in ardaydaasi lasii daayay maalintii la xidhayba, oo waalidiinta iyo maamulku ka heshiiyeen.
“Guddoomiye waad hurudaaye hurdada ka toos waxa socda ee dalka ka socdana xogogaal u noqo, ma jirto cid xidhani, arrintaasi arrin maamul ayay ahayd wayna dhamaatay oo maalintiiba waa lasii daayay” ayuu yidhi Buuni.
Sida uu afhayeen Buuni sheegay si ka duwan Khadan Cabdi oo kamid ah waalidiinta ay ardaydu ka xidhnaayeen, ayaa HOL u sheegtay in ardayda aan lasii daynayn ilaa nootaayo sharci ah laga saxeexo, isla markaana, dhowr arday oo wiilkeedu ku jiro lasoo daayay caawa fiidkii kadib markii heshiis laga saxeeyay, waxayna sheegtay in ardayda badan koodu wali xabsiga ku jiraan habeenkii 4aad.