Madaxweyne Mustafe Cagjar Oo Markale Loo Dhaariyey Madaxweynenimadda Iyo Xukuumad Cusub Oo Uu Soo Dhisay

Adis-Ababa (Aftahannews)-Madaxwayne Mustafe cagjar ayaa maanta soo dhisay wasiirada cusub ee kamid noqonaya xukuumadda maanta la dhisay ee Dowlad Degaanka Soomaalida.

Haddaba wasiirada cusub ee maanta la magacaabay ayaa waxaa ku jira xubno horey uga mid ahaa Ururka ONLF, kuwaas oo xilal kala duwan kasoo maray ururka.
Xubnahaas ayaa waxaa kamid ah Axmed Yaasiin oo aad looga dhex yaqaano ONLF, xilal kala duwana kasoo maray ONLF, Mustafe cagjar ayaa maanta u magacaabay Wasiirka Khataraha Masiibooyinka.
Axmed Yaasiin ayaa intii dambe kamid ahaa garabkii ka goostay ONLF, isla markaana isu aqoonsaday inay iyagu yihiin ONLFta saxda ah.
Madaxwayne Mustafe cagjar ayaa horey u ballan qaaday inuu xukuumaddiisa cusub kusoo darayo xubno kamid ah mucaaradka, balse xubnahan wax ka baxsan oo mucaarad ah oo xukuumadda cusub ka dhex muuqda ma jirto.

 

Magacyada wasiirada cusub ee maanta la magacaabay, waxayna u qornaayeen sidan:-

1- Xafiiska Madaxweynaha:  Dr. Xuseen Qaasim
2- Xafiiska Beeraha: Dr. Cabdiqaadir Iiman
3- Xafiiska Hor. Xoolo dhaqatada:  Subeer Xuseen Cumar.
4- Xafiiska Hor magaalooyinka: Cabdiraxman Ciid Daahir.
5- Xafiiska Waxbarashada: Cabdulaahi Laag.
6- Xafiiska Caafimaadka:  Dr. Muuse Axmed Ibraahim
7- Xafiiska Maaliyadda: Cabdiraxmaan Axmed.
8- Xafiiska Adeega shacabka: Warsan
9- Xafiiska Jidadka: Eng. Saddaam Xuseen
10- Xafiiska Nabadgalyada: Mubashir Dubad
11- Xafiiska Cadaalada: Axmed Xaaji Samatar.
12- Xafiiska Biyaha: Xasan Daadhi
13- Xafiiska Xirfadaha iyo shaqo-abuurka:  Xuseen Geydh
14- Xafiiska Arimaha Bulshada: Cabdullaahi Amaan.
15- Xafiiska Arrimaha Haweenka: Xaliimo Xasan Maxamuyd
16- Xafiiska Ganacsiga Iyo Gaadiidka:  Malaw Maxamed
17- Xafiiska Maalgalinta iyo Warshadaha:  Dayib Axmed Nuur
18- Xafiiska Ciyaaraha iyo dhalinyarada: Maxamed Mahdi.
19- Xafiiska Warfaafinta: Cabdiqaadir Rashid Ducaale.
20- Xafiiska Macdanta Iyo shidaalka: Khadra Bashiir.
21- Xafiiska Deegaanka iyo Kaymaha: Eng Muxiyadiin Cabdi Xuseen
22- Xafiiska Waraabka iyo dooxooyinka:  Maxamed Fatah
23- Xafiiska Curinta iyo sayniska: Faaduma Deeqa.
24- Xafiiska Qorshaynta: Maxamed Sheekh Aden.
25- Xafiiska Dakhliga: Maxamed Naaji
26- Xafiiska Maaraynta Iyo khataraha: Axmed Yaasiin Sh Ibraahim.
27- Xafiiska Dhaqanka Iyo Dalxiiska: Maxamed ismaaciil.

Wasiiradan cusub ee maanta uu magacaabay Madaxwayne Mustafe cagjar ayaa isugu jira kuwo xafiisyada loo kala badalay iyo kuwo ku cusub saaxadda siyaasadeed.