Rio Ferdinand“Isku-xidhkii, Isku-duubnidii Iyo Kooxnimadiiba Ma Jirto”

Halyeygii hore ee xulka qaranka England iyo Manchester United ee Rio Ferdinand ayaa faahfaahin ka bixiyey dhibaatada haysata kooxdiisa hore, kaddib guul-darradii weynayd ee Sabtidii kasoo gaadhay Leicester City oo ku burburisay 4-2.Red Devils ayaa qaab ciyaareed  bahdilaad ah la timid waxaana King Power dhax jiidjiiday Leicester City oo afar gool shabaqa taabsiisay, waxaanay u ahayd ciyaartii afraad ee laga badiyo toddoba ciyaarood gudahood.

Tababare Ole Gunnar Solksjaer ayaa uu culays badan saaran yahay, waxaana Rio Ferdinand oo hadlay uu sheegay inay haysato dhibaato uu isagu qayb ka yahay, isla markaana ay noqon karto mid shaqadiisa uu ku waayo.“Labadii ayaan daawaday ciyaartii Leicester, waxaanan la yaabay siday kooxdu u kala daadsanayd, sida aanay iskugu xidhnayn, kamana jirin isku duubnaan.” Ayuu yidhi Rio Ferdinand.Waxa uu intaakud aray: “Tababaruhu waa inuu wax badan ka  dalbado ciyaartoy. Iima sheegi kartid in Jadon Sacnho aanu lahayn karti uu ku boodo iyo orod 90ka  daqiiqadood ah. Iima sheegi kartid in Mason Greenwood aanu lahayn karti uu sidaa ku sameeyo.”Rio Ferdinand waxa uu sheegay in tababare Ole Gunnar Solskjaer lagu qiimaynayo natiijooyinka kulamada iyo guulaha uu keeno, haddii xaaladdu sidan kusii socotana shaqada laga caydhin doono.

Manchester United waxay hadda fadhidaa kaalinta lixaad ee miiska kala-sarraynta horyaalka Premier  League, iyadoo afar ciyaarood guuleysatay, labana barbarraysay siddeed ciyaarood oo ay dheeshay.