Dawladda Kenya Oo Ku Gacan-saydhay Go’aankii Ka Soo Baxay Maxkamadda Dambiyadda Ee ICJ

Nairobi, (Aftahannews)- Madaxweynaha waddanka Kenya, ayaa gaashaanka u daruuray xukunka Maxkamadda Caalamiga ah ee Cadaaladda ee qeybta libaax Muqdisho ka siiyay murankii badda ee u dhaxeeyay Kenya iyo Soomaaliya.Uhuru Kenyatta, ayaa ka digay in go’aanka Maxkamadda ICJ ay inta badan baddii lagu muransanaa ay ku siisayay Soomaaliya uu waxyeelayn doono xidhiidhi ka dhaxeeya labada dal.

Madaxweynaha Kenya waxa uu gebi ahaanba ku gacanseeray xukunka ay maxkamadda ka soo saartay badda la sheegay inay ceegaagaan gaaska iyo naaftada, isagoo sheegay in arrintaasi ay isbaddel wayn ku keeni doonto horumarka dhaqaale iyo midka siyaasadeedba, ayna halis gelin doonto ammaanka gobolka Geeska Afrika.Waxa uu markale ku celilyay baaqiisii ahaa in wadahadal oo kaliya lagu soo afjari karo muranka. Madaweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa dhankiisa Kenya ugu baaqay inay ixtiraamto sarraynta qaanuunka caalamiga ah.

Maxkamadda ugu sareysa ee Qaramada Midoobeey ayaa sidii Soomaaliya ay dooneysay u xukuntay muranka xuduudda badda ee kala dhexeeya Kenya.Dowladda Kenya ayaa horey maxkamadda ICJ ugu eedeysay in aysan dhexdhexaad ahayn, waxayna tilmaamtay in aysan aqbali doonin xukunka maxkamadda. Sidoo kale dowladda Kenya ayaa gebi ahaanba isaga baxday xubinimada maxkamadda.

Wasaaradda Arrimaha Dibadda ee Kenya oo la hadashay weriyaha BBC Ferdinand Omondi, waxay sheegtay in ay ku adkeysaneyso go’aankeedii isbuucii hore ee ahaa in aysan aqoonsaneynin xukunka Maxkamadda Cadaaladda Adduunka.Aagga ama nawaaxiga la isku haysto wuxuu gaadhayaa 100,000km oo isku-wareeg ah, oo seddax xagal ah, kuna yaalla Badweynta Hindiya, waana aag loo maleynayo in shidaal iyo gaas badan ay ku jiraan.

Khilaafka xuduudda badda wuxuu ahaa mid muddo soo jiitamayay oo labada dal ka dhex dhaliyay muran dhanka diblumaasiyadda ah.Wasiirka Warfaafinta Soomaaliya, Cusmaan Abuukar Dubbe, ayaa bartiisa Twitter-ka ku sheegay in uu ku faraxsan yahay xukunka, uuna Soomaalida oo dhan ugu hambalyeynayo soo celinta dhulka.

Illaa 10-kii sano ee la soo dhaafay, Kenya waxay ku doodeysay in leenka xuduudda uu u leexanayo dhanka bariga, halkaas oo ay u arkeysay in xadka labada dal ee badda uu yahay.Balse Soomaaliya ayaa maxkamadda ka sheegtay in aysan ahayn in leenka xuduudda badda uu si toos ah u raaco midka xadka dhulka ee labada dal.

Garsooreyaasha oo ka koobnaa 14 ee u fadhiistay go’aan ka garidda khilafka, waxay sheegeen in Soomaaliya aysan caddeynin in horey ay u ansixisay heshiiska xuduudda ay sheeganeyso.

Maxkamadda ICJ ayaa la timid leen cusub oo laba u kala qeybinaya baddii lagu muransanaa, inkastoo qeybta ugu badan ay aaday dhanka Soomaaliya.Madaweynaha Somaaliya Maxamed Cabdullaahi Maxamed “Farmaajo” ayaa sheegay in go’aanka kasoo baxey Maxkamadda Caalamiga ee Caddaaladda, ee ku saabsanaa muranka badda ee Soomaaliya iyo Kenya, uu yahay mid caddaaalad ah.

Balse inkastoo Kenya ay horey u diiday in ay aqbaleyso go’aanka maxakamadda, haddana ma cadda waxa ay sameyn doonto. ICJ awood uma lahan meelmarinta xukunkeeda.