Madaxweynaha Soomaaliya Oo Ka Hadlay Go’aanka Maxkamadda ICJ

Muqdisho, (Aftahannews)- Madaxweynaha dowladda federalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa caawa jeediyey khudbad ku saabsan guusha taariikhiga ah ee go’aanka Kiiska Badda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa khudbadiisa si kulul ugu weeraray dowladda Kenya, wuxuuna soo bandhigay halgankii loo soo maray Kiiskan, caqabadihii kuu xeernaa iyo aragtida daris wanaagga ku dhisan ee Dowladda Soomaaliya.

Madaxweyne Farmaajo ayaa u mahad celiyay maxkamadda caddaaladda adduunka oo uu ku ammaanay in ay u hiliisay sarraynta sharciga. Isagoo  sheegay xukunkaan inuu  ka turjumayo daah-furnaanta iyo madax bannaanida maxkamadda ICJ.

Madaxweynaha  Soomaaliya ayaa u mahad celiyay barlamaankii 8-aad ee Soomaaliya, kuwaas oo diiday heshiiskii arrimaha badda ee is-afgaradka ahaa ee dhexmaray Kenya iyo Soomaaliya.

Waxa uu madaxweynuhu khudbadiisa ku sheegay in dowladda Kenya oo looga guulaystay kiiska badda ay marar badan isku dayeen in meel ka baxsan maxkamadda ICJ lagu xalliyo kiiska badda.

“Saddex bilood markaan joogay talada dalka, ayay Kenya bilowday faro galin joogto ah oo ay ku doonaysay in ay nagaga leexiso dariiqa saxda ah ee aan ku wajahayno kiiska badda,” ayuu yiri madaxweyne Farmaajo, oo dhinaca kale sheegay in ay Kenya dadaal kasta ku bixisay sidii loo cuuryaamin lahaa Soomaaliya, si aanay u difaacan baddeeda.

Ugu dambayn madaxweyne Farmaajo ayaa ugu baaqay Kenya in ay tixgaliso go’aanka kasoo baxay maxkamadda ICJ. Wuxuuna sheegay dowladda Soomaaliya in ay adkaynayso nabad kuwada noolaan labada dal ee Soomaaliya iyo Kenya.