Somaliland: SOLJA oo ku Baaqay in Sharciga la Horkeeno Sarkaal Taraafik ah oo Dhaawacyo u geystay Gabadh Weriye ah

Hargeysa, (Aftahannews)- Ururka Suxufinta Somaliland Ee Solja, ayaa ka hadlay Gabadh Weriye ah oo uu jidhdil u geystay Sarkaal tirsan Ciidamada Nabadgalyada Waddooyinka ee Booliska Somaliland.

Dhaawac Gabadh Weriye ah uu u geystay Sarkaal Taraafikada Somaliland
Dhaawac Gabadh Weriye ah uu u geystay Sarkaal Taraafikada Somaliland

Nimciima Cabdiraxmaan Yuusuf oo ka hawlgasha Somnews xaruntiisa Hargeysa, ayuu nabarro labada gacmood ka gaadhsiiyey Sarkaalka Taraafikada ka tirsani mar ay shalay wax ka duubaysay Gaadhi ku dhacay gudaha magaaladaHargeysa.

Guddoomiyaha Guddiga Difaaca iyo Shuruucda ee Ururka Suxufiyiinta Somaliland ee SOLJA Cabdifataax Ismaaciil Mursal oo maanta shir jaraa’id ku qabtay Hargeysa, ayaa sheegay in Ururka SOLJA cambaaraynayo tacaddiga ku dhaday Suxufiyadda, waxaanu Madaxda Booliska ugu baaqay in Sarkaalkaas sharciga la horkeeno.

Halkan hoose kaga bogo oo ka daawo Muuqaalka Shirka jaraa’id.