Somaliland Oo Amar Cusub Ka Soo Saartay Dadka Aan U Dhalan Ee Ku Nool Gobolka Sanaag

Hargeysa, (Aftahannews)-Guddoomiye ku xigeenka gobolka Sanaag Maxamed Khaliif Nuur, ayaa ku amray  dadka aan Somaliland u dhalan ee ku dhaqan gobolka Sanaag, in ay gobolka kaga baxaan mudo 14 cisho ah

Khaliif ayaa sheegay in amarkani ka yimi xukuumada dhexe ee Somaliland, waxaanu ku amray in muddo 14 cisho gudahood ah ay gobolka kaga baxaan.

“Waa go’aan kasoo baxay guddida heer qaran ee xukuumada Somaliland, go’aan kaas oo ah in ajaanibka gobolka Sanaag ay ka baxaan, aadaana waddankii ay kasoo shaqo tageen, maantoo ah 10 October waaxanu dadkaa u caddaynaynaa in ay ku diyaar garooba oo dalka kag baxaan mudo 14 cisho ah” ayuu yidhi Khaliif.

Khaliif ayaa sidookale u sheegay dadka reer Sanaag ee xidhiidhka ganacsi lalahaa bulshada in ay ku kala gurtaan mudada 14 cisho ah, ee loo qabtay in ay ku baxaan.

“Cidii reer Sanaaga ee ganacsi ka dhaxeeyay ganacsigooda hakala gurtaan, sidii ay u bixi lahaayeena ha kala shaqeeyaan dadwaynaha reer Sanaag, waayo dadkaa dad badan ayay wax ka dhexeeyeen, qaar ay shuraako noqdeen, qaar ay shirkado wada lahaayeen, qaar ay guryo kaga jireen” ayuu yidhi Khaliif.

Xukuumada Somaliland ayaa wada howlgalo ay dadka aan reer Somaliland ahayn kaga saarayso Somaliland, dadka laga saarayo gobolada bariga ee Sool iyo Sanaag, ayaa u badan dadka asal ahaan kasoo jeedaa maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, oo sanado badan ku dhaqnaa gobolada.

Sidoo kale, booliiska ayaa magaalooyinka waa wayn ee Somaliland sida Hargaysa, ka ururinaya dadka Itoobiyaanka ah, isla markaana, dib ugu celinaya dalkoodii.